Trump oo caradiisa kala dul-dhacay Saxaafada & Siyaasiyiinta kasoo horjeeda

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka qeyb galay isu-soo-bax loo dhigay taageerayaashiisa oo xalay ka dhacay magaalada Phoenix ee gobalka Arizona. Trump ayaa iska fogeeyey eedeynta iyo waji gabaxii todobaadkii hore kadib markii uu diiday inuu si toos ah u cambaareeyo kooxihii cunsuriyiinta ahaa ee asbuuc kahor banaankax ka dhigay magaalada Charlottesville ee gobalka Virginia. Halkaasi oo uu mid kamid ah cunsuriyiinta gaarigiisa ku dilay haweenay kamid ahayd shacabkii kasoo horjeeday cunsuriyiinta, isagoona dhaawacay dad kale oo badan. Wuxuu sheegay Trump in saxaafada ay been ka sheegtay hadaladiisa, isagoona ku tilmaamay Saxaafada Maraykanka mid cadow ku ah dalkooda, waa siduu hadalka u dhigayee. Donald ayaa arrimo badan oo uu ka hadlay kusoo qaatay siyaasidiisa arrimaha gudaha iyo dibada oo uusan illaa iyo hada wax guulo ah ka gaarin. Qorshihii ahaa inuu burburiyo Sharuucdii Obama ee Caymiska Caafimaadka (ObamaCare) ayuu ku eedeeyey inuu dhabar jabiyey mid kamid ah Xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga walow uusan magaciisa sheegin, Senator John Mccain ayuu ahaa xildhibaankaasi oo ah mid laga soo doorto gobalka uu xalay booqashada ku tagay Trump ee Arizona. Xiisada Kuuriyada Waqooyi oo uu ka hadlay ayuu sheegay in hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un uu bilaabay inuu ixtiraamo Maraykanka, taasina waa mid aan soo dhaweenayo, ayuu yiri Trump. Hanjabaad uu u diray Labada Aqal ee Barlamaanka Maraykanka ayuu Trump ku sheegay in hawsha dowlada ay istaagi doonto hadii Baarlamaanka uusan fasixin miisaaniyada uu doonayo inuu ku dhiso Darbiga xaduuda Mexico oo uu horey u balan qaaday. Darbiga xuduuda Mexico ayaa ahaa mid kamid ah balanqaadkiisii ololihii doorashada, wuxuuna sheegi jiray in Mexico bixineyso lacagta lagu dhisayo, walow dalkaasi Mexico sheegay inuusan bixin doonin. Dhinaca kale Trump ayaa ku hanjabay inuu ka bixi doono heshiiskii Ganacsiga isu-furan ee dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico ee loo yaqaan NAFTA. Wuxuuna sheegay in Maraykanka uu yahay wadanka kaliya ee ku khasaaray heshiiskaasi. Waxaa hoos usii dhaceysa taageerada uu Trump ka heysto shacabkiisa, wuxuuna caado ka dhigtay markii cadaadis xoogleh la saaro inuu qabto isu-soo-baxyadan ay kasoo qeyb galaan taageerayaashiisa daacada u ah si uu u muujiyo inuu weli heysto taageero ku filan, isagoona kulmadaasi u adeegsada inuu ku weeraro dadka isaga kasoo horjeeda. Intii uu kulankaasi socday ayey nawaaxiga xarunta uu ku sugnaa Trump ee Convention Center ka dhacayeen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen shacabka magaalada Phoenix, waxayna ciidamada booliiska sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsadeen kumanaankii qof halkaasi u yimid inay ku mudaharaadaan Trump iyo Taageerayaashiisa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here