Trump oo guuldarooyin kala kulmay ololada doorashada ee xisbiga Jamhuuriga

0

Musharaxa Donald Trump oo ah ninka ugu cad-cad tartanka xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa aad ugu guuldareystay doorashada ka dhacday gobolada Wyoming iyo Washington DC. Ninka sida weyn uu tartanka kala dhexeeyo ee Ted Cruz ayaa boqolkiiba 66 ku guuleystay gobolka Wyoming, halka Marco Rubio oo isna tartanka ku jiray uu ku guuleystay gobolka Washington DC. Guuldarrada Trump ayaa timid maalin ka ddib markii uu hakiyay isu soo bax uu ku qaban lahaa Chicago sababo la xiriira cabsi laga qabay inay isku dhacaan taageerayaashiisa iyo dad dibadbaxyo dhigayay oo Trump ku eedeeyay cunsurinimo iyo inuu kala qeyb qeybinayo shacabka Maraykanka. Madaxweyne Obama ayaa ugu baaqay dhammaan musharixiinta in ay ka fogaadaan hadalada kala qaybinaya shacabka ee xambaarsan, aflagaadada diin naceybka iyo cunsurimada. Waa guuldarooyinkii ugu horeeyey ee uu la kulmay Musharaxa Donald Trump tan iyo markii uu bilaabay ololaha uu ku doonayo inuu noqdo ninka xisbiga jamhuuriga ku metelaya doorashada madaxtinimada Maraykanka ee la qaban doono bisha Disembar ee sanadkan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here