Turkiga oo ka soo horjeedsaday in argagixisada lagu daro Akhwaanul Muslimiin

0

Xisbiga haya talada dalka Turkiga ayaa sheegay in qorshaha uu Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo liiska argagixisada ugu darayo Akhwaanul Muslimiin ay dhaawacayso dimuqraaddiyadda Bariga dhexe, arrintaasna ay ka faa’iidaysan doonaan malayshiyaadka ay ka midka yihiin kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Afhayeenka xisbiga AK Cumar Celik ayaa ka jawaabayay hadalka ka soo yeeray Sarah Sanders oo ah afhayeenka Aqalka Cad, taas oo sheegtay in qorshahaas uu ka dhex socdo gudaha Aqalka Cad.

Akhwaanul Muslimiin ayaa calaaqaad dhaw la leh xisbiga AK Party, qaar badan oo xubnahooda ka mid ahna Turkiga ayay joogaan tan iyo markii laga mamnuucay Masar sannadkii 2013kii, si wayn ayaana loo cadaadiyay.

Iyaga oo arrintaas ka jawaabayana Ikhwaanul Muslimiin waxay Talaadadii sheegeen in ay sii wadi doonaan in ay ku shaqeeyaan wax ay iyagu ugu yeereen “aragtidooda qunyar socodnimada iyo nabadda ku salaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here