Turkiga oo Muqdisho ka bilaabaya dhismaha illaa toban kun oo guri

0

Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay hirgalin doonaan mashruuc gudaha Soomaaliya looga dhisaayo ku dhawaad 10 Kun oo Guri oo loogu talo galay inay ka faa’iideystaan dadka shacabka ah kuwooda aanan waxba heysan ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ku-xigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan ay hirgalin doonaan mashruuc guryo looga dhisaayo gudaha Soomaaliya, kaasoo uu horay u balan qaaday madaxweynaha dowladda Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan xilli uu booqasho ku yimid gudaha Soomaaliya sanadii 2015-ka. “Waxaa dhawaan billaabeynaa qorshayaal aan ku dhiseyno ku dhawaad 10 Kun oo guri oo loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan dadka aanan waxba heysan ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guryahaan waxay qeyb weyn ka qaadan doonaan bilicda caasimadda Soomaaliya” ayuu yiri Kuxigeenka Kaaliyaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, Cali Kamal Aydin. Bishii Janaayo ee sanadkii tagay ee 2015-ka ayey aheyd markii madaxweynaha Turkiga oo baaqasho ku yimid magaalada Muqdisho uu balanqaaday iney gudaha Soomaaliya ay ka hirgalin doonaan ku dhawaan 10 Kun oo guri oo loogu talo galay inay ku intifaacaan dadka barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah eek u nool magaalada Muqdisho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here