Turkish Airlines oo qaraxii Daallo kadib saaka kasoo degtay garoonka AdanCade

0

Shirkadda dayuuradaha Turkish Airlines ayaa maanta dib u bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ay ku iman jirtay magaalada Muqdisho oo hakad ku jiray todobaadyadii u dambeeyey sababo la xiriira dhinaca amaanka. Dayuurad ay leedahay Turkish oo ah nooca Cargo ee xamuulka daabula ayaa saaka soo caga dhigatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde, iyadoo waday alaabo xamuul ah . Duulimaadka Turkish Airlines ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ay ku timaado Muqdiso tan iyo markii labo todobaad ka hor qarax qorsheysan uu ka dhex dhacay dayuurad ay leedahay shirkadda Daallo wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka Aadan cadde. Dayuurada oo qaraxa uu ka sameeyey duleel weyn ayaa dib ugu soo laabatay garoonka Aadan cadde, waxaana ku dhintay hal ruux oo la aaminsan yahay inuu qaraxa ka fuliyey labtop la soo cabeeyey, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana masuuliyadiisa sheegatay Al-shabaab. Laamaha amaanka dowlada ayaa si weyn u xoojiyey amiga garoonka Aadan cadde tan iyo wixii ka dambeeyey qaraxan oo loo xirxiray dad badan, waxaana amar lagu bixiyey in la baaro xitaa madaxda dowlada gaar ahaan wasiirada, xildhibaanada, saraakiisha iwm.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here