Ugaaska beesha xawaadle Ugaas Cabdiraxmaan oo ku geeriyooday Beledweyne

0

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaskii beesha xawaadle ayaa ku geeriyooday magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Allaha u naxariistee Ugaas Cabdiraxmaan ayaa la sheegay in uu ka qeybgalayay kulan muhiim ah waxaana ku soo booday xanuun deg deg ah oo keenay inuu wadnuhu istaago. Allaha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdiraxmaan ayaa ka mid ahaa odoyaasha dhaqanka ee doorka firfircoon ka soo qaatay xal u helidda dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka iyo meelo kale oo ka baxsan Hiiraan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here