Ugu yaraan 36 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay dalka Turkiga

0

Ugu yaraan 36 ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay weerar loo adeegsaday bambooyin iyo qoryo, kaasoo lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee magaalada Istanbul. Tiro 100 qof ayaa ku dhaawacmay. Waxaa la fahamsan yahay in 3 qof oo is miidaamiyey ay weerarka qaadeen. Sawirro la soo dhigay baraha bulshadana waxay muujinayaan booliska oo tooganaya mid ka mid ah dadkii weerarka qaaday. Duulimaadyadii garoonka caalamiga ee Istanbul ayaa la joojiyay. Jaakadii isqarxinta ee u xirnayd ayuu qarxiyey isagoo dhawaacan oo dhulka yaalla. Duullimaadyadii ayaa la joojiyey, dadkana waxaa laga codsaday inay ka fogaadaan garoonka. Madaxweynaha Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday garoonka dayaaradaha ee istanbul looga gol lahaa in lagu abuuro borobagaando ka dhan ah dalkiisa ayadoo la isticmaalayo dhiiga iyo xanuunka dadka aan waxba galabsan. Turkigu wuxuu weerarka ku eedeeyey kooxda dawladda islaamiga.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here