Ujeedooyinka Cali Khaliif Galaydh iyo Shirka Balicad

0

Maxay yihiin ujeedooyinka Cali Khaliif Galaydh ka leeyahay shirka Balicad? Shirka Tuulada Balicad uga furmay golayaasha khaatumo maalintii Axad, 06/09/2015 ayaa dad badani isweydiinayaan Ujeedooyinka loo qabtay, Arimaha looga hadlayo, iyo go’aamada la filayo in ay kasoo baxaan. Hadaba Shabakada Xaysimo oo isha ku haysa shirkaas iyo arimihiisa ayaa waxay Ujeedooyinka Cali Khaliif iyo kooxdiisu ka leeyihiin shirka Balicad waana sidatan:- Ujeedada kowaad ee shirkan waxaa la odhan karaa inuu jawaab ama ka falcelin u yahay shirkii uu Maamulka Puntland ku qabtay magaalada Gaalkacayo, shirkaas oo loo bixiyey Shirka wadatashiga iyo Midnimada Puntland oo ay ka qaybgaleen Beesha degta Gobolka barri iyo Nugaal iyo shaqsiyaad dhalasho ahaan kasoo jeeda Degaanada SSC oo aan Taageero ka haysan Degaanadooda iyo dadkooda. Waxaana la odhan karaa in shirkan loo qabtay SHIROW SHIR KAA LIHIN, ama in Umadda Soomaaliyeed loogu iftiimiyo in aanu khusaynin Shirkii Maamulka Puntland iyo beeshiisu ku qabsadeen Gaalkacyo, shaqsiyaadkii shirkaas ka qayb galayna aanay metelin degmaada SSC. Ujeedada labaad ayaa la filayaa in shirka laga soo saaro baaq ay Isimada Dhulbahante ku cadeynayaan in aanay ka qaybgeli doonin shir la sheegayo in magaalada Qardho loogu qabanayo Isimada Puntland iyo Kuwa Soomaaliyeed, arintan oo haddii ay dhaqdo dhabarjab iyo fashil ku noqonaysa Maamulka Puntland iyo Saldana Beeshiisa oo beryahanba qalqaalo ugu jiray inay helaan qorshe Isimada Soomaalida Qardho laysugu keeno. Ujeedada Sadexaad ee shirka Balicad ayaa ah maadaama hal sano ay ka soo wareegtay waqtigii uu Cali Khaliif shir aan beeshu u dhameyn isku magacaabay Madaxweynha Somaliland u eridayTagaEerogo, isla markaana aanay jirin wuxuu qabtay maamulkaasi marka la eego Xagga Midnimada degaanada oo kasii daray, xagga Xoreynta uu dadka ku beer laxowsan jiray oo meesha ka baxday, islamarkaana aan loo jeedin, iyo Aqoonsigii Maamulka oo uu foro madow iyo hungo kala soo noqday Xamar, marka laga reebo 4 kartoon oo kiniinkii kaneecada oo la mid ah ama ka yar inta ay keenaan Badhasaabada Somaliland iyo Puntland ugu magacaaban Gobolka Cayn, isla markaana mudadadaas oo dhan Prof: Galaydh uu qar wareeg ahaa oo magacii Khaatumo oo jeebka ugu jira cidla la guuraynayey, taasoo shacabka Khaatumo ku abuurtay cadhado iyo nijadjab, ayaa waxaa la doonayaa in loo tusiyo in dhaliilihii jirey lagu saxayo shirka Balicad, waxaana la odhan karaa waa qodobka ugu weyn ee shirka loo qabtay, oo la rabo in shacabka khaatumo lagu qaboojiyo oo lagu khaldo, loona sheego in wixii khaldamay la saxay. Qodobka ugu dambeeya ayaa noqon doono maadaama uu gebagebo yahay waqtigii dawladda Federalka iyo Baarlamaankaba, in Isimada wixii Balicad joogaa ay Cali Khaliif warqad u qoraan qoraal awood u siinaya in isagoo iyo Garaad Jaamac Cali Garaad ay xulaan Xildhibaanada Dhulbahante ee Baarlamaanka Federaalka ee soo socda, waxaana la filayaa in la gaaray xiligii Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Cali Muqdisho isu raaci lahaayeen Magaalada Muqdisho. Si kastaba hayska ahaatee Maamulka uu Cali Khaliif hogaamiyaa waa mid aanay u dhamay umadda degtaa Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn, guud ahaana ma jirto wax taageero ah oo looga hayaa Goboladda Sool iyo Sanaag, waxaana goobta lagu shirayo ka maqan Garaadadii soo jireenka ahaa Beesha Maxamuud Garaad, taas oo umadda Soomaaliyeed iyo Maamuladda derisyada u muujinaysa Awood darada iyo Taageero la’aanta Cali Khaliif Galaydh oo iminka dal, degaan iyo dad ka haya Balicad, kadib markii dhowaan ay shacabka Magaalada Buuhoodle iska cayriyeen. Waxaan sugnaba waa Cali Khaliif iyo ujeedooyinkiisa shirka Balicad oo ayaamaha soo socda soo ifbixi doona. Xigasho xaysimo.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here