UK oo Yurub ka baxday iyo Raiisalwasaare David Camaron oo iscasilaya

0

Natiijooyinka aftidii Britain loo qaaday inay kamid ahaato Midowga Yurub ama ay ka baxdo ayaa waxay muujinaysaa kala qaybsanaan xoogan, iyadoo ay guuleysatay kooxdii u ololeynaysay ka bixista Yurub. Labada dhinac aad ayay isaga ag dhaw yihiin, balse kooxda u ololaynaysay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa si aan la filayn taageero ballaadhan uga heshay waqooyi beri England iyo Wales. Kooxda doonaysa ka sii mid ahaanshaha Britain ayaa iydana codad badan ka heshay London, Scotland iyo Waqooyiga Ireland. Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay inuu is casilayo bisha Oktoobar kadib markii dadweynaha UK ay u codeeyeen inay isaga baxayaan Midowga Yurub. Mr Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday waddanka. Wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in markabku aanu liicin – laakiin toddobaadyada iyo bilaha soo socda in loo baahan yahay hoggaan cusub. Mr Cameron ayaa si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, waxaana uu sheegay in uu ixtiraamayo go’aanka shacabka dalkiisa ee ay ku muujiyeen natiijada aftida.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here