Ukunta Khaatumo oo Seladda Madaxweyne Cali Khaliif laysugu geeyey iyo Wadahadalka Maamulka Hargeysa Maxaa Ka Dhalan Kara?

0

02.08.1990 ayaa waxa dalka Kuweyt qabsaday dalka Ciraaq ka dib markii ay is maan dhaafeen Madaxweyne Saddam Xuseen iyo Amiirkii Dalka Kuweyt Amiir Jaabir Al-sabaax, arrintaasi waxay keentay in hogaamiyayaashii carbeed uu mid waliba go’aan qaato dhinaca uu is garab taagayo, madax badan waxay garab siiyeen madaxweyne Saddam Xuseen waxaa ugu darnaa oo isagu booqasho ugu tagay Baqdaadna ka degay hoggaamiyihii shacabkii reer Falastiin Yaasir Carafaat oo shaashadaha caalamka laga daawaday isaga oo Sadam xabbadka saaraya. Dadka isha ku hayey dhacdooyinka xilligaas waxay ku tilmaameen Yaasiir Carafaat nin Ukuntii shacabka reer Falastiin siyaasad , halgan iyo xidhiidhadii oo dhan uu shacabka reer Falastiin lahaa Saladdii Saddaam Xuseen ku riday, taasina ay ahayd dhaliil weyn oo loo soo jeedinayey Yaasir Carafaat, oo ahayd Ukunta goob haysugu gayn waa intaasoo ay burburtaayoo oo aan waxba ka hadhine , markii danbe ay dhalisay in uu wadahadal jilicsan la galay Israa’iil markii baalasha laga rifay, waa taariikh dheer oo aynaan u heli karin in aynu ku falanqayno dhamaanteed maqaalkan, hasa yeeshee dhacdooyinka sida deg deg ah u soconaya maalmahan deegaanka Khaatumo iyo shirka Balicad oo dad badani ay isha ku hayeen waxyaalaha ka soo baxay ayaa waxay noqon karaan kuwo raad weyn ku yeesha bulshada, inta ilaa hadda sii halgamaysana raad ku yeelan karta haddaanay wax waliba caddaan. Wadahadal in la galo ma xumo, laakiin wadahadalka marka la galayo waxay u baahan yihiin arrimo badan in la cadeeyo, kuwaas oo u baahan in ay bulshadu ogaato inta aan gudiyo la dhisin oo la sheego oo la cadeeyo iyada oo la qodobaynayo, waxaana hubaal ah in qadiyada Khaatumo iyo SSC oo ka horaysayba aysan ahayn maamulka Somaliland oo wadahadal lala galo ee ay ahayd in marka hore deegaanka la xoreeyo ka dibna wadahadalku uu noqdo sidii nabad galyo beelaha dariska ahi ugu wada noolaan lahaayeen. Ugu horayn Somaliland Isra’il maaha, Khaatumana Masar hasa yeeshee xilligii Isra’il qabsatay Siinaay sanadkii 1967kii, 1970kii uu geeriyooday Jamaal Cabdinaasir , ka dibna Anwar Saadaat uu xilka qabsaday dalka Masar arrimo badan ayaa la soo gudboonaaday ay ka mid tahay sidee dhulkii maqnaa loosoo celiyaa, madaxdii Masar waxay go’aan ku gaadheen in ay ciidankoodii dib u dhisaan isla markaana in aanay Israa’iil miiska wadahadalka soo fadhiisanayn ilaa dhirbaaxooyin xoogweyn loo geysto, taas ayey fuliyeen madaxdii Masar waxayna u diyaar garoobeen muddo kooban dagaalkii 1973 dhexmaray Masar iyo Israa’iil , isla markaana difaacii Israa’iil lagu jiidhay, taasina ay keentay in ay Israa’iil ogolaatay in ay miiska wadahadalka soo fadhiisato. Haddaba haddaan u soo noqono wadahadalka Madaxweynaha Khaatumo carabka ku adkeeyey ee uu sheegay in lala galayo maamulka Hargeysa ,oo ah hadal hayntii ugu badnayd ee muddooyinkan socotay , isla markaana shacabka Khaatumo gudaha iyo dibada aad isaga weydiinayeen qaabka madaxweyne Cali Khaliif wax u rabo , waxaa wali calaamado su’aal badani saaran yihiin qaabkee loola galayaa maamulka Hargeysa, ma dhulka maqan ayaa wadahadalku ku qotomaan sidii ay maamulkaasi uga bixilahaayeen , ma wadahadal ku qotomaa dawlad iyo mucaarad sida ay maamulka Hargeysa u dhigaan, ma wadahadal ku qotomaa in iyaga loo caqli celiyo oo lagu soo celinayo Soomaalinnimada, u malayn maayo nin dhul uu qabsaday hadal intuu kaga baxo in mid aan u soo dagaalamin lagu wareejinayo, una malayn maayo maamulka Hargeysa oo xilligan joogaa in uu Soomaalinnimo danaynayee, maadaama aanay jirin saansaan dhulkii maqnaa lagu soo celinayo , nooma uusan sharaxin madaxweynaha Khaatumo qaabka wadahadalku noqonayo. Runta marka la taabto bulshada Khaatumo wadahadalka Puntland xasaasiyad dheeraad ah kama qabaan, sababtoo ah maaha dad dhulboob iyo gooni goosad qorshahoodu ku qotomo, waxyaalaha laysla diidan yahay qolyaha Puntland waa arrimo Siyaasadeed maaha arrimo dhuleed ,deegaan iyo dal kala jarid, hasa yeeshee wadahadalka dhinaca maamulka Hargeysa oo aan qeexnayn isla markaana aanu muuqan saansaan dal lagu soo celinayaa waa wadahadal jaban oo jilicsan mana ay ahayn in uu Madaxweyne Cali Khaliif xilligan ku dhawaaqo in uu gudi dhisayo wada xaajood la gala maamulka Hargeysa waxaana hubaal ah in aanu taageero kaga helayn bulshada, waxaase u haboonaan lahayd in uu qaab kale hawshan faraha ugala baxo. Wuxuu hore u xusay Prof.Cali Khaliif Galaydh xilli laga waraysanayey VOA 2012kii ” Somaliland waa la yaqaan shalay ma aanaan dhalan beelaa wada dega meeshaa haddii ay iyagu isu imanayaan oo ku tashanayaan ay odhanayaan danbaa iskeen badaye aan nabad wada sahamino waxaynu wada leenahayna samaysano Woqooyi ahaan xitaa aynu danaheena wada raadino midnimada Soomaaliyeedna meel ugasoo wada jeesano umalayn maayo inay isku diidayaan”waxaa isukay qaban waayey dhaliisha Puntland iyo wadahadalada iyo midnimada beelaha Somaliland maxaynu Puntland uga baxnay Somali way ogolyihine ? Hadii beelaha Woqooyigu si fudud isu fahmayaan maxa keenay in boqolaal dhalinyaro ah deegaanada Khaatumo ku shahiidaan ? Xilgan wadahadal ma furanyahay ? Jawaabaha idinkaan idiin dhaafay Sababtoo ah waxaynu hore u ogayn in maamulka Hargeysa uu dhinaciisa sheegay in aanu wax wadahadal ah la galayn maamul Khaatumo inta ay maamul sheeganayaan, kuwo badanna ay u arkayeen in aanay ahaynba in wadahadalba lala galo Cali Khaliif , sida uu aaminsanaa Saleebaan Gaal, maalmihii la soo dhaafay bulshada Khaatumo su’aaluhu way ku badnaayeen, Khudbadii madaxweynaha ka dibna way ku sii badanayaan, waa arrimo badan oo u baahan in xal loo helo. Ukunta Khaatumo Oo Saladda Madaxweyne Cali Khaliif Laysugu Geeyey Iyo Wadahadalka Maamulka Hargeysa waxaa ka dhalan kara in talaabooyin aan la saadaalin karin la qaado, taasina aysan suurtagal noqon karin in madaxweyne Cali Khaliif Warqad cad inta loo saxeexo goobtuu doono ula hayaamo, waxaase isweydiin leh , muxuu yahay mawqifka iyo aragtida Garaad Jaamac Garaad Cali ee wadahadalka maamulka Somaliland iyada oo aanay muuqan xilligan awood milatari oo dalka lagu sifaynayo?. Xigasho: jidbaale.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here