Ururka saxaafadda Puntland oo cambaareeyay xarigga Wariye Deparani

0

Gudoomiyaha ururka saxaafadda Puntland si adag uga hadlay xariga loo gaystay wariye Jaamac Yuusuf Deparani oo ciidamada amniga goor dhaweyd xabsiga u taxaabeen. Faysal Khaliif Bare, ayaa tilmaamay in dowladdu ay soo dhaaftay xadkeeda una muuqato mid ku tumatay dastuurka dalka u yaalla. “Waawareey, waawareey, way soo dhaaftay sheekada maanta ka jirta Puntland mid la dhagaysan karo ama la maqli karo ama loo dul qaadan karo, guud waxay maraysaa xaaladdu inaan qof codkiisa iyo xoriyadiisa ku hadlaa uusan jirin,” Ayuu gudoomiyaha MAP. Barre, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu cambarayn dusha uga tuurayo xariga wariyaha, isagoo xusay inuusan lahayn wax dambi ah. Dowladda iyo hay’adaha caalamiga ayuu ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, isagoo xusay in wasiirka warfaafinta Puntland Soocade sharciga marsiiyaan maadama dastuurka dalka ku tumanayo. Arrintan ayuu xusay inay keenayso qaska dalka iyo dadka Puntland oo mudada 17 sano ku noolaa amni iyo xasilooni. Xariga Jamac Deparani, ayaa salka ku haya waraysi kala duwan oo la yeeshay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia iyo kan warfaafinta Puntland, oo ka kala hadlay arrimo ku saabsan Somalia iyo Puntland.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here