USA Gabadhii ugu horreysay ee soomaali ah oo xil boolisnimo loo dhaariyay magaalada Portland

0

Magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxaa shalay lagu dhaariyay koox cusub oo boolis ah kuwaas oo ay ku jirtay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Zahra Ab taas oo noqoneysa shakhsigii ugu horreeyay oo soomaali ah kaas oo boolis loogu dhaariyo magaaladaasi. Zahra, waxa ay ku dhalatay xeryaha qoxootiga Kenya, waxaana ay Mareykanka la gashay qoyskeeda iyada oo caruur ah halkaas oo ay uga qalijabsay jaamacadda Deering High and USM (University of Southern Maine). Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Portland ayaa soo dhaweeyay arrintan, waxaana ay ku tilmaameen guul usoo hoyatay jaaliyadda soomaalida ee gobolka Oregon.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here