USA: Trump oo ka baxay heshiiskii Caalamiga ahaa ee Bay’ada / Cimilada & Jawaabta Beesha Caalamka [VIDEO]

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Maraykanka uu isaga baxayo heshiiskii horey u saxiixay ee ka hortagida iyo Hoos u dhigida Saameynta xun ee Warshadaha ku hayaan bay’ada iyo cimilada isbedaleysa. Heshiiskaasi oo loo yaqaan [Paris Climate Accord] ayaa qeexayey in dalalka warshahadaha badan iyo kuwa soo koraya ay dhamaantood ka shaqeeyaan sidii hoos loogu dhigi lahaa Warshadaha wasakheeya bay’ada oo lala xariirinayo cimilada isa sii bedalaysa ee caalamka.

Heshiiskaasi ayey saxiixeen 195 ee caalamka marka laga reebo dalal faro ku tiris ah sida Siiriya iyo Nicaragua. Dowladii hore ee Barack Obama ayaa saxiixday heshiiskaasi oo laga soo saaray shirweynihii sanadkii 2015 ka dhacay magaalada Paris, Maraykanka iyo China ayaa ah labada dal ee ugu warshadaha badan. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa isagu kamid ahaa dadka arrintan ka hadlay oo cambaareeyey go’ aanka Donald Trump. Trump ayaa sheegay in xakameynta warshadaha la dulsaaray ay dhibaato ku tahay dhaqaalaha dalkiisa, wuxuu sheegay inuu danta Maraykanka ka hormarinayo danta dalalka kale ee caalamka. Go’ aankan ayaa waxaa si adag uga jawaabay dalalka Caalamka oo ay ugu horeeyaan kuwii saaxiibada dhaw la ahaa Maraykanka sida wadamada Midoga Yurub. Madaxweynaha France Emmanual Macron ayaa daqiiqado kadib shirkii jaraa’ iid ee Trump isaguna qabtay shir jaraa’ iid isagoona luuqada Ingiriiska kula hadlay shacabka Maraykanka oo u sheegay in rajo weyn ka qabaan in Maraykanka uu markale qaato kaalintii uu caalamka ku lahaa, wuxuuna Madaxweynaha France sheegay inaan dib looga noqon doonin heshiiskii Paris. Macron ayaa sheegay in hadii Maraykanka uu ka baxay ay iyagu sii wadi doonaan, wuxuuna sheegay in caalamka uu ka mideysan yahay arrintan. Dalka China oo horey loogu dhaliili jiray inuu kamid yahay kuwa warshadahooda wasakheeyaan hawada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin hirgelinta heshiiska iyagoo la shaqeyn doonan dalalka kale ee caalamka sida Midowga Yurub. Maraykanka gudihiisa ayaa sidoo kale laga cambaareeyey go’ aanka Trump, madaxda shirkadaha waaweyn ee dalkaasi ayaa ku tilmaamay go’ aankan mid ceeb ku ah Maraykanka, isla markaana go’adoon dhaqaale iyo mid siyaasadeed gelin doona wadankooda. Ismaamulka California oo isagu ah Awooda 6aad ee dhaqaalaha Caalamka ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo go’aanka dowlada Federaalka Maraykanka, Maamulka California ayaa intaa raaciyey in iyagu sii wadi doonaan isbedalka ay ku sameenayaan warshadahooda iyo sidii looga hortagi lahaa cimilada isbedaleysa iyo badbaadinta bay’ ada caalamka. Daawo Muuqaal:- https://youtu.be/1baq5V8_b04         Goojacade.com Nairobi-Kenya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here