USP YAA ISKA LEH By: Ismail Diriye Gamadiid

0

Asaalaamu Calaykum wa raxmatullaahi wa Barakaatahu Salaanta Islaamka ka dib waxaan halkan ku iftiiminaynaa Taariikhda Xisbiga USP iyo cidda mateli karta oo haysata codka shacab weynaha kala dega degaanada SSC, Awdal iyo Maakhir oo ah dadkii aasaasay USP oo ah astaanta halgankii xoriyada iyo Midnimada Somaaliya. USP oo Gol-khaatumo lagu abuuray 1956kii waxay la mataano tahay Xisbigii Gobanimada dhaliyey ee SYL oo la abuuray 1943, Labadaas xisbi waxay labaduba u taagnaayeen Xoraynta iyo Midnimada Soomaaliya. USP waxaa wada dhistay shacabka kala degga Awdal, SSC iyo Maakhir oo ay ku noolyihiin qabiilada Gadabuursi, Ciise, Dhulbahante iyo Warsengeli, Ugayslabe iyo Gahayle. Xoriyaddii ka dib waxaa mar labaad burburkii Qaranka Somaaliyeed ee 1991kii, ka dib shir dadkii ku bahoobay ku yesheen Nairobi is tuseen in marlabaad loo baahan yahay in ururkii dib loo hawlgeliyo si dalkii loo badbaadiyo oo Qarankii dib loo soo celiyo, iyadoo qabiil waliba urur uu ku hawl galo samaystay iyadoo ay ku bahoobeen Dhulbahante iyo Warsengeli oo keliya halka ay Gadabuursi iyo Ciise ay ku bahoobeen xisbigii SDA. USP waxay wax ka dhisatay maamulka Puntland sanadkii 1998kii iyada iyo ururkii SSDF oo ka soo jeeday goballada Bariga Soomaaliya. Hawshii Ururada waxaa la laalay (grounded) ka dib markii lagu guulaystay in magaalada Carta ee Djibouti 1999kii lagu dhisay dawladdii TNG oo dib ay u yagleeleen. Taariikhdaas ka dib ma dhicin shirweyne ay yeesheen dadkii ama qabaa’illaddii horay u soo abuuray USP si ay u doortaan xubnihii ku matalayey USP. Nasiib daro waxaa dhacday in shakhsiyaad ku nool xamar oo ka soo jeeda qaar ka mid ah qabiiladda aan soo sheeganay laakiin aan loo idman in ay USP ku matalaan qabiiladdii iska lahaa ay ku dhawaaqeen in ay samaysteen Xisbigii USP taas oo la mid ah in aad kaadh Bangi oo qof leeyahay aad si khalad ah ugu xoqotay hantidiisii u taallay bangiga. Ma lihin shakhsiyaadkasi kama tirsana dadka ku abtirsada USP laakin xaq uma laha in ay qol gudihii kaga dhawaaqaan in ay matalan USP. Ururkaas USP wuxuu dalka iyo shacabkii lahaaba ka mudanyahay qadarin iyo xushmo wuxuuna soo qabtay hawlo taariikhi ah mana istaahilo in dano yaryar oo raqiis ah (myopic interest) loo adeegsado oo dadka ku ah bahdil iyo kufsi. Dabcan markii arrimihii dhacay 1991kii iyo wax la midi ahi dhacaan (National catastrophe) waxaa isu imanaya dadkii ehelka u ahaa oo bixinaya ogolaansho ama igmanaya cida iyo sida loogu hawlgelayo. Hadaba haddii aan nahay waxagaradka iyo asaasayaashii dib u hawlgelintii USP ee Sanadkii 1991kii waxaan halkan ugu sheegaynaa umadda Soomaaliyeed iyo shacabkii horay ugu bahoobay USP in aanay waxa sharciyad ah ku fadhiyin kuna mateli karin USP kooxda Xamar kaga dhawaaqday in ay USP dib u dhiseen, waxaan soo jeedinaynaa in ay shirweyne isugu yimaadaan dhamaan qabiiladdii horay u dhistay USP sanadkii 1956 si ay doortaan dadkii sida xaqa ah iyaga ugu mateli lahaa xisbiga USP waaba haddii la isla garto inay taagantahay hawl masiibo qaran ee USP loogu baahdo in fadhiga lagaga kiciyo oo ayba ka mid tahay canaasiirta ku haminaysay 25 sano ka badan inay dalka kala jaraan. Wa Bilaahi Towfiiq Magacyada soo gudbiyey qoraalkan. 1. Ahmed Mohamoud Handulle 2. Ismail Dirie Gamadid (dhegaweyne) 3. Abdillaahi Dahir Afqudhac 4.Mohamed Hassan Dilaal 5. Abdillaahi Hassan Dhoble 6. Ahmed Mohamed Abdi (Shine) 7. Ahmed Hassan Bile 8. Dr. Cabdillahi Xasan Mohamoud (Spanish) 9. Ahmed Haji Geele 10. Mohamed Abdi Hussein 11. Prof Yusuf Mohamed Abdi Geelle 12. Dr Nooh Yaasin 13. Eng Mohamed Ali Mire 14. Arab Ahmed Gudane 15. Jama Hassan Khalif 16. Mohamoud Ibrahim 17. Osman Gaafaadhi 18. Abdirahman Hersi 19. Mohyadiin Dhegamadoobe 20. Hasan Walalac 21. Kamaal Muuse Haji Deria 22. Jama Mohamed 23. Caaqil Cabdirizaak Xaaji Abdillahi Camay 24. Caaqil Khaalid Muuse Dhiil 25 Abdi Hassan Qanbi 26. Abdillaahi Mohamed Dhuux By:Ismaaciil Diiriye Gamadiid Email: dudub44@hotmail.com GABAY]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here