Waa dhamaaday waqtigii ceshiimeysiga Somaliland ee baneeya dadka haloo adeegee

0
kulan khaatumo

29 sano ee Somaliland jirtay waxaa goleyaasha kala duwan ku jiray xubno ka soo jeeda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, oo sifo khaldan siyaasada ku soo galay, kuwaas oo aan wax taageero ah ku lahayn degaamada ay ka soo jeedaan.

Xubnahani waxay xoogooga iyo xirfadooda isugu geeyeen inay Somaliland ka ceshiimeystaan oo la dagaalamaan siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin ee ay uga shakiyaan inay booskooda khatar ku noqon karaan, iyagoo caadeystay inay Somaliland uga shaqeystaan si ku dul noolaansho ah, kuwaas oo aan qaarkood haleeya dhaafi karin, inay hargeysa ka qayshaan mooyee.

Maanta oo Somaliland 30 sano ku jirto oo loo baahnaa midnimadeeda, waxaa ayaan daro ah in Wasiiradii iyo Xildhibaanadii degaamadaas ka soo jeeday ee laga sugayey inay wanaaga ka shaqeeyaan, ay marba siyaasi beeshooda ka soo jeeda hayadaha amaanka farta ugu fiiqaan, oo ugu yeeraan waa Somaliland-diid, iyagoo iska daa waxqabad kale ee awoodi kari waayey inay soo qabtaan dembiile ay bud-dhige u yihiin.

Waxaa la soo gaaray waqtigii ay dhamaan lahayd ceshiimeysiga Somaliland, xubnaha sida gafanaha ugu naaxayna ay boosaska banayn lahaayeen, si shacabka loogu adeego, mana suurtoobayso in dadka lagula shurko qaylo iyo guulwadeyn, waxaa loo gudbay xiligii danta guud loo adeegi lahaa, ka tabcashadana laga gudbi lahaa.

Waxaa xusid mudan in shacabka Somaliland ogaado, in inta heshiiskii Khaatumo qabyo yahay in Somaliland qabyo tahay, sidaas daraadeed ay waajib tahay in la dhameystiro.

Waxaa fadeexad ah in Wasiirkii shaqada laga sugayey uu subax walba uu dacwo ugu tago hayadaha amaanka, isagoo ka been abuuraya siyaasi ay isku degaan yihiin ama uu marfashayada fadhi-ku-dirirka ama maqaaxiyaha kaga sheekeeyo hebel baan iska celinayaa ama xiraynaa, taas oo ay kaga mashquuleen dantii guud, iyagoo aan isku arkin masuuliyiin sare oo xaq u leh in wax laga sheego, arintani waxay ka markhaati fureysaa in aaney u qalmin masuuliyada ay hayaan, sidaasdarteed ay si khaldan ugu takri falayaan awooda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here