Waa Gormaa wakhtiga Rasmiga ah ee uu dhacaaya Heshiiska wareejinta Dekada Bosaso?

0

April 06 (Goojacade.com)— Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu ku saxiixo magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta Heshiiska Dekeda Boosaaso loogu wareejinayo Shirkadda DP World. Heshiiskan ayaa noqonaya kii labaad oo shirkadda DP kula wareegto Dekedaha ku yaalla Soomaaliya, iyadoo dhamaadkii sanadkii hore sidan oo kale heshiis lagu wareejinayay Dekeda Berbera la saxiixatay Maamulka Somaliland. Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo maalin ka hor ka ambabaxay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu Imaaraadka u tagayo dhameystirka heshiiska Dekeda Boosaaso, isagoo caddeeyay heshiis kasta oo maslaxad u ah dadka iyo dalka ay galayaan. Shirkadda DP World ayaa isku dayeysa inay maamusho qaar ka mid ah dekedaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, iyadoo horay looga soo eryay Dekeda Jabuuti oo muddo gacanta ku heysa. Imaaraadka Carabta ayaa fara gelin toos ah ku haya Soomaaliya, isagoo maamul goboleedyada dalka ula macaamilaya sidii dowlado madax banaan oo kale, waxaana dad badan oo falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in qorshaha Imaaraadka uu wado ay tahay mid uu ku kala qeybinayo dadka Soomaaliyeed, lidka ku ah midnimada Soomaaliya. Goojacade.com Dubai  UAE Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here