WAA MAXAY SABABTA Ra’iisal Wasaare Xasan kheyre weli ugu dhex shaqeynayo guriga martida ee ku dhex yiila Villa Soomaaliya

0

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa weli degan oo ku dhex shaqeynayo guriga martida ee Villa Uganda dadka qaarkiisa u yaqaanan kuna dhex taala gudaha Madaxtooyada. Inta badan Ra’iisal Wasaarayaashii dalka soo maray ayaa marka xilka qabtan la dejin jiray guriga Gen Morgan kaas oo dhamaantood ku soo wada shaqeeyan. Hase yeeshe Xasan Cali Kheyre oo tan iyo markii la magacabay uusan degin gurigaas oo kaga horeeyay Cumar C/rashiid ayaa la filayay marka uu xilka la wareego inuu gurigaas dego balse howl wadeenada xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u sheegay Goojacade.com in Mr Kheyre weli degan yahay guriga martida.
Sababta Guriga martida loogu bixiyay Villa Uganda ayaa waxay tahay markii Madaxweynihii Uganda Iida aamin soo booqday soomaaliya ayaa guriga oo markaas cusbaa la dejiyay, waana midaas sababta Villa uganda loo yiri guriga. Waxaa la ii sheegay in dayactir weli ku socdo Guriga, waxaana dayactirka bixinaysa Dowladda Turkiga. Xafiisyada Madaxweynaha iyo kuwa Ra’iisal Wasaaraha ayaa weli isku jahwareersan maadama wax walba ay doonayan labadan team inay eber ka soo bilaaban.

Email: Goojacadewebsite@gmail.com

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here