WAAN BAAHANAHAY BAKHTIGA LOOMA CUNO!Qormo ku Saabsan Barlamaanka Puntland

0

July 27, 2017 ansixiyay heshiis ey xukuumadda Puntland lasoo gashay UAE oo ku aadan balaarinta dekedda Boosaaso iyo maalgashiga Imaaraadka. Baarlamaanka waxay heshiiskaan ansixiyeen iyagoon wada tashi la sameyn dadweynaha, dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo ganacsatada. Sidoo kale, baarlamaanka ma sameyn cilmibaaris ku saabsan dekadihii ka horeeyay dekedda Boosaaso oo ey la wareegeen Imaaradka sidee u shaqeeyeen? Sida dekedda, Cadan iyo Jabuuti. Dekedahaas wax maka faa’iideen wareejinta dekadahooda? Faa’iidada ey heleen iyo khasaarahooda yaa badan? Jab qof kaaga horeeyay ayaa laga wareystaa, baarlamaanku xogtaas ma raadiyeen? Haddeey xogtaas hayaan maxay isaga indha tireen? Tan kale nuxurka heshiiska Puntland la gashay UAE maxaa loo faafin waayay oo dadweynaha gaar ahaan saxaafadda loogu soo bandhigi waayay? Wixii la qariyaa qurun baa ku jira. Su’aalahaas iyo qaarkaloo badan waa in loo helaa jawaabo cad-cad oo aan mugdi ku jirin. Tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa (the cold war) ee u dhexeeyay reer Bariga iyo reer Galbeedka ama Xulufada Nato iyo Warso oo ey kala hogaaminayeen quwadaha Mareykanka iyo Ruushka, waxaa Africa kusoo badanayay soo rogaal celinta boobka khayraadka qaaradda bikradda ah. Waxaa waayadii hore horumood ka ahaa boobka khayraadka Africa wadamada reer Galbeedka. Haatan waxaa gulufkaas kusoo biiray wadamo iskaa wax u qabso ku shaqa geliya wadamada Africa oo garab rarato ah, oo iyagu hadda ugu badan kuwa khayraadkaas boobaya. Waxaana wadamadaas kamid ah China, Hindiya, Turkiya, Isutaga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo Sacuudiga. Dhigaalkaan waxaan ku eegi doonaa mashaariicda la sheegay iney maalgashanayaan dalalka China iyo isutaga Imaaraatka Carabta (UAE). Waxaan isku dayi doonaa marka hore inaan si guud uga hadlo baahiyaha kala duwan ee dalakaan, deedna waxaan qeexi donaa wuxuu yahay maalgashi shisheeye (FDI). BAAHIDA CHINA IYO HINDIYA Tirada dadka ku nool China iyo Hindiya marka la isku daro waa ku dhowaad kala bar dadyoowga ku nool dunidaan. Bangiga Adduunka (the World Bank) wuxuu ku qiyaasay in China ey ku noolyihiin 500 oo milyan oo sabool ah. Sidoo kale Bangiga adduunka wuxuu ku qiyaasay in Hindiya ey ku noolyihiin 170 milyan oo sabool ah. Bangiga adduunka wuxuu saboolnimada ku qiyaasaa dakhliga dadka soo gala maalintii. Tusaale hadduu dakhliga qofku ka yar yahay $1.90 maalintii, qofkaasi waxaa lagu tiriyaa dadka saboolka ah. Waxaan shaki ku jin in labadaan waddan uu dhaqaalahoodu soo kobcayo. Tusaale, Hindiya waa waddanka Lixaad ee dunida ugu dhaqaale badan, China waa waddanka Labaad xaga dhaqaalaha adduunka. Si kastaba, ha ahaatee labadoodaba kuma filna dhaqaalahaas – dadka tirada badan ee wadamadaas ku nool aawadeed. Labadaan wadan ee dadka tirada badani kunool yihiin, waxay ku qasban yihiin iney dhaqaale u raadiyaan dadkooda, sababtoo ah labadoodaba midna maleh khayraad dabiici ah. Waxaa dhaqaalaha labadaan dal uu ku tiirsan yahay shaqaale rakhiis ah oo ka shaqeeya warshadaha reer galbeed ee ku yaala labadaan dal. Tusaale, Shirkadda dunida ugu weyn ee sameysa telefoonada casriga ah iyo kambuutarada ‘Apple’ waxay degen tahay dalka China oo warshadooda ku taalaa, teleefoonadooda iPhones, kambuyuutarada Macbook, iyo iPad halkaas ayaa lagu sameeyaa – shaqaalahooduna waa Chinese. Waxay Shirkadda Apple Mareykanka uga soo guurtay oo China u degtay waa shaqaalaha raqiiska ah ee China laga helaayo. Sidoo kale shirkadaha wadamada reer galbeedka ee sameeya adeegyada bulshada sida; adeega bangiga, teleefoonada, adeega korontada IWM waxay badidood degeen waddanka Hindiya si ey uga faaiideystaan shaqalaha raqiiska ah. Waxaa ey labadaan wadan gaar ahaa China ey wadaan mashaariic iskaa wax u qabso ah (yacnii ey shaqo gelinayaan dadka degaanka oo aan run ahaantii iyaga dhaqaale badan kaga baxeyn) taas bedelkeedana ey qaadanayaan khayraad cayriin oo bilaa xisaab ah. DAMACA CARABTA IYO TURKIGA Waxaa iyana xusid mudan wadamada usoo hayaamay Afrika ma’aha kaliya labadaas wadan ee aan kor ku xusnay oo qudha, ee waxaa iyana jira qaar kamid ah wadamada Muslimiinta sida Isutaga imaaraatka carabta (UAE), Sacuudiga iyo waliba dalka Turkiga. Seddexdaan waddan iyagoo ku gabanaya daladda Muslinimada ayaa waxay doonayaan iney iyagana dalowgooda darsadaan khayraadka cayriin ee hoos ceegaaga dalka Soomaaliya. Laakiin damaca wadamadaan wuu ka yara duwan yahay kan China iyo Hindiya. Seddexdaan dal dad badni iyo saboolnimo haatan heysataa ma jirto; laakiin waxay ka duulayaan baahi ey u qabaan istiraatiijiyad dhaqaale iyo mid amni oo fog. Tusaale, dhaqaale ahaan waxay doonayaan dhul ey maalgasjadaan sida; beero, dakado, bad ey ka kaluumaystaan IWM. Sababtuna waxaa weeye waxay rumeysan yihiin in shidaalka oo ah laf dhabarta dhaqaalaha wadamadaan gaar ahaan Sacuudiga iyo UAE uu dhamaan doono goortey ahaataba, ama dunida ey ka gudbi doonto baahida ey shidaalka u qabto oo la hal-abuuri doono tamar ka duwan tan shidaalka – sida gawaarida ku shaqeeya korontada oo haddaba meelo dunida kamid ah laga isticmaalo. Dhanka amniga, wadamadaan khaliijka tusaale ahaan, waxaa dagaal ba’an oo taariikhi ah uu ka dhexeeyaa wadanka Iiraan, sidaas aawadeedna waxay doonayaan meelo ey ka ilaaliyaan gacanka carabta. Wadamadaan iyagoo ka duulaya sidii ey u haqab tiri lahaayeen baahiyahooda istiraatijiyeed ayeey waxay heshiisyo loogu magac daray maalgashi la galeen Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyo, seddexdaa maamul ee saboolka ah oo ku dhisan musuqmaasuq, sida; Maamulka Puntland iyo Maamulka Somaliland. Haddaan ku horeeyo maamulka Puntland, waxay dawladda UAE la gashay heshiis ah iney dekadda Boosaaso balaariso islamarkaana ey maamusho muddo soddon sanadood ah. Sidoo kale Maamulka Puntland wuxuu heshiisyo la galay wadanka China iney dhisaan wadada isku xirta Garoowe iyo Eyl, iyo gegida diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo. Somaaliland iyagu waxay galeen heshiis ah in dawladda UAE laga kireeyo saldhig Military oo ey ka dhisaneyso magaala xeebeedka Berbera. Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay heshiisyo ku saabsan dekedda iyo gegida diyaaradaha la gashay wadanka Turkiga. Heshiisyadaan wadamada shisheeye loogu xalaaleynayo khayraadka dalkeena wax wada tashi ah oo lagala sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed ma jirto. Sidoo kale, dhamaan heshiisyadaan waxay ka siman yihiin inaan macluumaadkooda oo dhameystiran dibadda loosoo saarin. Dab nimaan ku guban danbaskiisa kama leexdo, baarlamaanka Puntland ma wareysteen dawladda Jabuuti wixii ku dhacay dekedda Jabuuti? Ama ma raadiyeen xogta sheegaysa shaqa ka fariisinta lagu sameeyay dekedda Cadan? Soomaalida waxaa caado u noqotay iney maanta uun eegaan, oo eyasan eegin shalay wixii dhacay, iyo beri waxa imaan kara oo ifafaalaheeda la hayo. Imaaraadka ujeedada uu ula wareegayo dekadahan ku teellan badda Cas waa istiraatiijiyaddooda iyo iyagoo dareensan haddii dhaqaalaha dekedahaan uu hagaago ama xasilooni amni ey helaan iney ilbaabada isugu dhufan karaan dekedaha imaaraadka oo dhan. Si Imaaraadka taa uga badbaado wuxuu laaluush ku harqiyay madaxda maamuladaan, deedna si sahlan uga saxiixday maamulidda dekedahaa xilli aad u dheer. Warbixinaha ey soo saarayaan dekedaha Jabuuti iyo Cadan tusaale ahaan, waxay sheegayaan inuu hoos u dhacay dakhligooda, eyna la rafanayaan sideey u gudi lahaayeen daymo ey gelisay dawladda Imaaraadka. Dawladda Jabuutii 2014kii ayeey qashinka ku riday heshiis labaatan sano ahaa oo ey la gashay DP world oo Imaaraadka laga leeyahay si ey u maamusho dekadeeda. WAA MAXAY MAAGASHI SHISHEEYE (FDI)? Sidaas daraadeed, Mashaariicdaan ka socda dalka ee loogu magac daray; maalgashiga shisheeye Foreign Direct Investment (FDI) oo ey horboodayaan China, Turkiya iyo UAE waa wax fiican, Laakiin; wax bilaash ah dunidaan ma jirto. Sidaa daraadeed waa in la is weydiiyaa su’aalahaan; horta waa maxay maalgashi shisheeye (FDI)? maxay dawladda China ey noogu dhiseysaa mashaariicdaan? yaa kharashka bixinaya? Maxaa dadweynaha loola wadaagi waayay macluumaadka saxda ah ee ka danbeysa mashaariicdaan? waa imisa kharashka ku baxaya maalgashigaan? Kharashka la iska rabaa ma lacag baa? mise kheyraad cayriin oo dabiici ah? Haddii ey kheyraad dabiici ah tahay qiimaha maalgashigaan; maxaa lagu qiyaasayaa kayraadkaas? Wadanka maalgashiga sameynaya ma lacagtooda ayeey dalkeena ku maalgashanayaan? Mise daymo ayeey bangiyo nooga soo qaadayaan? Waa in suaalahaas iyo kuwa kaloo badan jawaab loo helaa. Maalgashiga shisheeye (FDI) ma’aha wax sahlan oo caadi ah; iska daa inuu yahay bilaash ee. Wadamada maalgashada wadan eysan iyaga laheyn inta badan kuma maalgashadaan dhaqaalahooda, ee waxay dayn kasoo qaataan bangiyo iyo wadamo shisheeye, dayntaas oo ey dulsaaran tahay ribo (usery) aad u farabadan, waxayna daynta iyo ribadaba kusoo xawilaan wadanka ey mashruuca ka maalgashanayaan. Iyaguna sidaas ayeey ku faaiidaan faaiido 100%, marnaba ma khasaaraan – iyagoon lacagtooda waxba ku maalgashan oo qatar eysan iska gelin. Haddaba waa in si dhab ah loo fikiraa, waan baahanahay bakhtiga looma cuno. Haddii eynaan si dhab ah u xisaabtamin oo isku eegin faaiidada mashaariicdaan iyo khasaarahooda, ilmaheena ilmahooda ama jiilasha dambe ayaan uga tageynaa DAYMO ey saaran tahay RIBO (usery) oo waqti dheer caqabad ku noqda noloshooda iyo horumarkooda. Xaqna ma’aha inaan jiilalka danbe dayn eysan qaadan looga tago. Haddaan si kale u dhigo, dalka yaan si fudud lagu wareejin iyadoo la eegayo in wax uun la qabto, si loogu buuxiyo faylasha madaxda iyo maamulada waxbaan qabannay. Waxqabadka dhabta ah waa kan lagu qabto canshuurta dadka laga qaado ee ma’aha mid daymo iyo ribo tafaha la is heysto ilaa aakhiro lagu sameeyo. W/Q: Abdi J Arab]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here