WADAHADALKA KHAATUMO WAA QADIYAD SOMALILAND MADAXWEYNUHUNA WAA KU MAHADSAN YAHAY

0

Waxaan muran ku jirin in wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland uu yahay talaabo weyn oo horumar leh, sidoo kale ay tahay qadiyad Somaliland oo waxweyn ka taraysa xasiloonida gudaha iyo Siyaasada dibada ee Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo wuu ku mahadsan yahay arintan oo uu ku dhiiraday bilaabisteeda, shacabka Gobolada Sool, Sanaag iyo Caynina waa ku taageersan yihiin, wayna soo dhoweynayaan, shacabka Somalilandna mudo dheer ayey u dheg taagayeen, waana in laga midho dhaliyaa, waxaase ayaan daro ah in qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadu iyo isxambaarku ay ku mashquulsan yihiin xagal daacinta wadahadalkan oo muhiimad gaar ah u leh midnimada iyo wadajirka Somaliland. Wasiiradda aadka loo hadal hayo waxaa ka mid ah kuwa Beesha Maxamuud Garaad oo si weyn looga shakisan yahay inay xoogoodii isugu geeyeen abaabul ay dadka ku marin habaabinayaan, si loogu qaato inaan Khaatumo metelin Beeshooda ama degaankooda, arintaas oo ah mid waxba kama jiraan ah ama aad u hoosaysa, Maxamuud Garaadna uu la mid yahay Beelaha iyo Degaamada kale ee Khaatumo. MAXAA WASIIRADDA LA GUDBOON? WASIIRADA waxaa la gudboon inay gartaan waajibaadkooda oo ay fahmaan inay yihiin shaqaale uu Madaxweyne Siilaanyo u doortay inay fuliyaan siyaasadiisa iyo waxqabadkiisa, oo aanay ahayn masuuliyiin ku yimid rabitaanka iyo metelaada shacabka, haddii ay siyaasada Madaxweynaha ku qanci waayaana ay la gudboon inay iscasilaan oo booska baneeyaan. DADKA ISDIIWAANGELIYEY EE SOOL IYO SANAAG Dadka iska diiwaangeliyey Gobolada Sool iyo Sanaag maaha kuwo cid gaar ah u xiran ama tuurta ay ku sitaan Wasiirada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Baashe Cali Jaamac, ee waxay la mid yihiin shacabka iska diiwaangeliyey Gobolada kale, waxayna codkooda siin doonaa cidii ay dantooda ka arkaan ama kala heshiiyaan. Sheegashada Shirarkii Awrboogeys iyo Adhicadeeyana ma ahayn mid cid gaar ahi ku amaanan tahay ama ay suurageliyeen Faratoon iyo Baashe ee waxay ahaayeen kuwo ku qabsoomay rabitaanka dadka degaanka, inkastoo cid gaar ahi ay dhaqaalo iyo derajo Somaliland kaga heleen. Gebagebadii Xukuumadda Somaliland waxaa la gudboon inay ka midho dhaliyaan wadahadalka ay la fureen Khaatumo, sidoo kale Cali Khaliif iyo kooxdiisa waxaa laga rabaa inay joojiyaan talada ay tuurta ku sitaan oo la gole yimaadaan qorshe iyo talo ay ku qanacsan yihiin guud ahaan degaamada Khaatumo, halka Wasiirada Xukuumada Somaliland ku jira dhamaantood laga rabo inay muujiyaan taageerada ay u hayaan wadahadalka Khaatumo, si ay shacabka u shaki saaraan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here