Wadamada G7 oo sheegay in taageero dheeraad ah siinayaan hawgalka Amisom

0

Kulan Hogaamiyaasha G7 ay yeesheen ayaa waxa sixoogan ugu dhawaaqeen in ay ka taageeri doonaan Somaliya iyo Kenya ladagaanlanka wax loogu yeero Argagixisada. Kulankaan oo uu shir gudoominayay Raisulwasaaraha dalka Japan oo ah hogaamiyaha wadamada G7-ka la isku yiraahdo ayaa waxaa uu sheegay in ladagaalanka Argagixisadu uu qayb ka qaadankaro xasiloonida iyo nabadda wadamada ay saamaynta ku yeeshseen. Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhamaanba xubnaha ku jira ururka G7 oo kala ah US, UK, France, Italy, European Union iyo Germany. Hagaamiyaashaan ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan wadamada dhaca qaarada afrika oo Somaliya ay ku jirto. Markii uu soo gaba-gaboobay kulanka ay yeesheen Hoomiyayaasha G7 ayaa waxa ay soo saareen warmurtiyeed, waxana ay sheegeen in ay sii joogtayn doonaan taageerada hawgalka Midawga Africa ee Somaliya ka socda iyo sidoo kale in ay taageero u fidin doonaan hormarinta ciidamada ammaanka Somaliya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here