WADANI SOOL: KAAMBAYNKA MUUSE BIIXI KA WADO SOOL WAXAY MUUJIYAYS CADOWTINIMADIISA

0

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Gobolka Cabdi Yuuseuf Ismaaciil (Cabdi Dheere) oo shabekada xaysimo.com u waramayey ayaa ka hadlay safar uu ugu yeedhay ISXAMBAAR uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu shalay Laascaanood ku keenay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Cabdi Dheere ayaa yidhi « Safarka Isxambaarka ah ee shalay Muuse Biixi Cabdi kaambaynka kaga bilaabay Gobolka Sool waxay muujinaysa cadowtinadiisa aanu wax naxariis ah u ahaynin dadka shacabka ah ee Abaartu aafaysay» «Shalay Laamigii Maxamuud Xaashi la soo mariyey hareerihiisa waxaa wadhnaa xoolihii Abaarta laysay, iyo dad tabcaan ah, halka Maxamuud Xaashi inta uu cashuurtii masaakiinta bixiyey uu yidhi na soo dhoweeya.» ayuu gudoomiyuhu ku daray. «Bishan horteedii ayey ahayd markii ay isaga iyo Madaxweynuhu dalka booqdeen, oo dadka u balanqaadeen, waxqabadkii laga sugayeyna waxay ku bedeleen inay eryaan ninkii Xukuumada ugu waxqabad badnaa, Baashe Cali Jaamac, haddana waxay u ordayaan inay BILILIQAYSTAAN wixii uu ka soo shaqeeyey» «Muuse Biixi wuxuu la mid yahay diyaaradihii UN ee kartoon daawo ah oo qiimihiisu 2000 soo qaadi jirtay ee kiradooduna ahayd 20 000, Muuse Biixi boqolaal kun buu ku safrayaa toban kunna wuu ku deeqayaa» ayuu yidhi Gudoomiyaha Wadani ee Sool. Gudoomiye Cabdi Dheere ayaa hadalkiisii ku daray « Waxaa ayaan daro kale sii ah, in Wasiiradii Dawladu oo Isticmaalaya hantidii Qaran, Awoodii iyo Gaadiidkii ay dadkii abaartu ka haysay kaga dhex ololeynayaan, halka Muuse Biixina uu sidii Aroos intuu guri galay marba iyagii ka warsugayo». Hadalka Gudoomiyaha Xisbiga ayaa yimid kadib markii shalay safar fajiciso ku noqday shacabka Sool uu Maxamuud Xaashi ku geeyey Musharaxa Kulmiye.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here