Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu Kala Reebey Nairobi [XOG]

0

Warsidaha GN ayaa dhinaca kale fahansan in waftiga Madaxweynaha Soomaaliya damacsanaa in shirka wadanka Ivory Coast ka socdey kala qayb galaan ay tiradooda gaareysay 19 kuwasoo u qaybsanaa; 16 qof ka socota xafiiskiisa, 3 xildhibaan ( 2 aqalka sare+ 1 aqalka Hoose) iyo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha shirka ka socdey ( Ivory coast) ayaa waxay diideen tirada Wafdiga Soomaaliya uu ka kooban yahay iyagoo u sheegey in loo ogol yahay oo kaliya in Madaxweynaha Soomaaliya la socdaan Shan xubnood oo kaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo dib uga dhacey furitaanka kulankaan ayaa sida warsidaha GN fahansanyahay waxaa magaalada Nairobi ka qaadey diyaarad ay leedahay shirkada Kenya Airways taasoo ku jirtey duulimaadyadeeda caadiga ah ay ku tagi jirtey magaalada Abidjan iyadoo safarkaan ku wehiliyeen 5 xubnood oo ka tirsan waftdigiisa. Madaxda isaga dambeeyey xilka ugu sareeya Soomaaliya ayaa waxaa lasoo gudboonaado maamul xumo kasoo wajahda xubnaha xafiiskiisa ka tirsan kuwasoo gabi ahaantooda isku qora booqashooyinka Madaxweynaha ku tagayo kulamada caalamiga ah. Wasiirka Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa maamul xumo midaan lamid ah ka sameeyey kulan Ra’isal wasaare Khayre kaga qayb galey cariga Mareykanka magaaladiisa New York hlakaasoo kaga qayb galayey kulanka Qaramada Midoobey.   Xigaasho:-Mareegta Garowe Online]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here