Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa goordhow ka furmay magaalada Jowhar, waxaana halkaasi maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaavoo shirka furay. Xarunta uu shirka ka furmay ayaa waxaa ku sugan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa ergooyin kale oo labada gobol mataleysay Wararka ayaa sheegaya in wajiga labaad ee shirka uu yahay mid odayaasha labada gobole ay kaga arrinsanayaan sidii loo soo xuli lahaa ergooyinka soo dooran lahaa Xildhibaanada uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shirka ka sheegay in wixii hada ka dambeeya la guda geli doono dhismaha maamulka labada gobol, waxaana uu ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka labada gobol inay dhistaan maamulkooda. Furitaanka wajiga labaad ee shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Hiiraan ay ka biya diidan yihiin shirka Jowhar, waxaana ka socda magaalada Beledweyn shirweyne dib u heshiisiin.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.