Wakiilada Somaliland oo ku dagaalamay mooshin ku saabsan wareejinta Haamaha Berbera

0

Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii saaka ay isku yimaadeen la hor keenay mooshin ku saabsan go’aankii hore ee golaha wakiiladu ka gaadhay wareejinta haamaha shiidaalka Berbera. Fadhiga saaka ee golaha wakiilada Somaliland ayey mudanayaasha muxaafidka ahi keeneen mooshin la xidhiidha in golaha dib loogu soo celiyo go’aankii ay hore uga gaadheen wareejinta haamaha shiidaalka, kaas oo muran iyo buuq badan ka dhex dhaliyey shir gudoonka iyo mudanayaasha golaha wakiilada. Sida ay sheegayaan wariyayaal ku sugan xarunta golaha wakiilada fadhiga oo uu gudoominayey gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxay gacan ka hadal dhex mareen gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad, halka xildhibaanada goluhuna mid mid isku fara saareen. Gacan ka hadalka dhex maray mudanayaasha iyo shir gudoonka golaha wakiilada ayaa keenay in fadhiga golaha la xidho.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here