Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicklos Key oo Arinta Mooshinka Madaxwaynaha mar kale War kasoo saaray.

0

Ergayga-Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Mr. Nicklos Key ayaa Baaq u diray Xildhibaanada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay in Mooshinkii Madaxwaynaha lagu xaliyo wadahadal. Danjiraha ayaa Taageeray go’aankii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo ahaa in lawada hadlo xal waarana la gaaro. “Waxaan soo dhowaynayaa dadaalka ay wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed iyo Guddiga taageersan Mooshinka xilkaqaadista si ay si waxtarleh isagala shaqeeyaan uguna xaliyaan wada hadal iyo wadatashi arrimihii lagu tilmaamay Mooshinka Xilka qaadista”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah Mr. Kay. Kay waxaa uu intaa raacshay in muhiim ay tahay xal la garai xiligaan maadaama ay dhowdahay wakhtigii laga wadatashan lahaa habka Soomaaliya ay doorashada u galayso Sanadka 2016. “Waxaan oogu baaqayaa dhamman dinacyada ay arrintu khusayso in ay si dhakhso leh horay oogu howlgalaan si ay xal oogu helaan khilaafka hadda Jira, xalkaas oo u ogolaanayo horumarka Geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya in uu u socdi si aan hakad dambe lahen, sidoo kalena ay isugu yimaadan dhinacyada siddi ay diirada isula saari lahaayeen si dii loo bilaabi lahaa qabsoomiddii Madashii looga Arrinsanlahaa Doorashooyin ay leeyihiin daddka Soomaaliyeed ayna Garwadeen ka yihiin sannadda 2016” ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here