Wakiilka QM ee Soomaaliya oo Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe

0

Wafdi uu hor kacayo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Mr. Michael Keating ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo. Waxaa weftiga garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyey madaxda Jubbaland oo ugu horeeyo madaxweyne ku-xigeenka Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo masuuliyiin kale. Safarkan oo ah kii ugu horeeyey ee safiirka ku tago Kismaayo ayaa ujeedkiisa lagu sheegay is xogwaraysi ku aadan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madobe. Mr. Michael Keating iyo Axmed Madoobe ayaa dhamaadkii bishii hore ku kulmay magaalada Muqdisho oo ahaa kulankoodii u horeeyey, waxaana kulankan uu noqon doonaa kii labaad ee yeeshaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here