Waqooyiga Kuuriya oo maanta xeebaha Bari ku tijaabisay gantaalo hor leh

0

Kuuriyada Woqooyi ayaa dhowr gantaalada riddada gaaban ah ku ridday xeebta bari ee dalkaas. Saraakiisha dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in gantaalada maanta oo Isniin ah laga soo riday magaalada Hamhung, iyagoo aan sheegin nooca ay ahaayeen gantaaladan. Korea-da Woqooyi ayaa muddo toddobaadyo ah ku hanjabeysay inay weerar hub nuclear ah oo ay isku difaaceyso ku qaadi doonto Seoul iyo Washington, ayada oo kaga jawaabeysay carbiska miltariga Mareykanka iyo koonfurta Kuuriya ay samaynayaan. Kuuriyada Woqooyi ayaa carbiskaas milatari u aragta mid daan-daansi ah oo mudan in laga jawaabo. Toddobaadkii tagay, ayaa saraakiisha Korea-da Koonfureed waxay sheegeen in Korea-da Woqooyi ay gantaalada riddada dhexe ku ridday badda, ayada oo iska indha tireysa cunaqabateynta QM.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here