War deg deg ah: Madaxweynaha dowlada Somalia oo magacaabay Raisul wasaare cusub

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magacaabay raisul wasaare cusub oo ay yeellan doonto dowladiisa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada. Nin lagu magacaabo Xasan Cali Khayre ayaa loo magacaabay raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa boggiisa Twitterka ku xaqijiyey magacaabista raisul wasaaraha cusub. “Waxaan xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo” ayuu ku yiri madaxweynaha qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitterka. Xasan Cali Kheyre raisul wasaaraha cusub ee Somalia waa nin aan wax badan laga aqoon oo ku cusub saaxada siyaasada Somalia, wuxuu madax ka ahaa Hey’adda NRC ee dalka Norway, waana nin ka soo jeeda beesha Murusade. Taariikh nololeedkiisa iyo warbixino kale oo ku saabsan raisul wasaraha la magacaabay kala soco wararkeena ugu horeeya Insha ALLAAH. Dhinaca kale, Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Somalia ayaa saaka aroornimadii ka dhoofay Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga ka dib casuumad uu ka helay boqorka dalkaas, waxaana loo soo diray dayuurad gaar ah.  Xafiiska Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here