Ciidamada Ethiopia oo ka baxay saldhig weyn oo ay ku lahaayeen Gobolka Hiiraan.

0

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen deegaanka Buq’aqable ee Gobolka Hiiraan, waxaana deegaankaasi dib ula wareegay ciidamada Xarakada Al-shabaab,Waxaan dhamaan dadkii deegaanku ay ka bexeen Magaalada,iyadoo Odayaash dhaqanka iyo dhalinyaradu ay raaceen Ciidamadii deegaanka ka baxay. Lama Oga ilaa iyo hada waxa keenay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay faarujiyaan deegaankaasi.Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya weli wax war ah kama aanay soo saarin sababta ku dambeysa in deegaankaasi ay isaga baxaan. Ka bixitaanka Ciidaamda Itoobiya ay ka bexeen Magaalooyinka Gobolka Hiiraan ay cadeyn u tahay mustaqabl xumada Ciidamada Shishiiye ee dalka Soomaaliya jooga oo kuwa kaste ay doonaayaan in sidaas oo kale ay ooga baxaan meelaha ay Al-Shabaab ka qabtaan is uu u sii socdo dhaqaalaha AMISOM ay Soomaaliya ku qaadato.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here