War Murtiyeed ka soo baxay shirkii wadatashiga 2016 iyo Beelaha Somaliland oo loogu baaqay in laga qaybgeliyo wadatashiga

0

Galabta waxaa magaalada Muqdisho ku soo gebageboobay shirkii wadatashiga doorashada 2016-ka, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 10-qodob. War-murtiyeedkaani ayaa lagu saleeyay is fahanka shirka iyo sida DF Somalia iyo Maamulada dalka ay ku wajihi doonaan Nidaamyada leysla gartay in la raaco. Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa ka kooban Laanta Fulinta, Sharci Dejinta Dowladda, Maamul Goboleedyada & Bulshada Rayidka. Qodobadii ay isku khilaafaana waxaa loo gudbin doonaa Madasha Hogaanka Qaran, oo ay ku jiraan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, si go’aan ay uga kaga gaaraan. War-murtiyeedka qodobka 6aad ayaa waxaa ku jira in wadatashiga lagu soo daro dad ka soo jeeda beelaha Somaliland, taas oo ka soo horjeeda Madaxbanaanida iyo qooni-isutaaga Somaliland ay ku taamaysay 25 sano. warmurtiyeed-wadatashi1warmurtiyeed-wadatashi2]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here