WAR YAA MAXAMUUD GARAADNIMADA HARAGEEDII NAGAGA CELIYA

0

Shirkii Awrboogeys wuxuu ka mid yahay guulihii ugu waaweynaa ee Xukuumada Siilaanyo gaadhay mudadii ay xilka haysay, halka uu dhinaca kale yahay furfurkii ugu weynaa ee soo gaadha shacabka degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn. Shirka waxaa maamulayey xubno u shaqeeya Xukuumada Somaliland iyo kuwo xilal doonayey, kuwaas oo adeegsaday Cuqaal koofid-bacleyaal isu bedelay oo mudo dheer gidaar ku xidhnaa, abaaraha adag ee iska daba yimidna ay saameeyeen, cuqaasha kama fekerin jilaalku baa hadhaa laakiin ceebtiisu ma hadhee waxay saxeexay qoraal loo soo diyaariyey. KHARASHKA SHIRKA KU BAXAY: Markii shirarkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye soo gebageboobeen waxaa la soo gudbiyey warbixin sheegaysa in kharash shirarkii Maxamuud Garaad ku baxay uu dhan yahay 80 000 oo cadaan ah iyo 30 000 oo deyn ah, iskuna noqonaysa 110 000US$, laakiin dhowr bilood ka dib waxaa la sheegayaa inay jiraan deyman boqolaal kun gaaraya oo aan la garanayn meel lagu isticmaalay, taasoo muujinayso inay jiraan musuqmaasuq shirarka la saarto, xaqiiqadeedana gadaal baan ka raadinaynaa, lacagta 110 0000 waxaa inta badan isticmaalay xubnihii gacanta ku hayey iyo raxan cuqaal ah, ergooyinkii kale maalintii 10 dollar baa la siin jiray, mudadii ay goobta ku sugnaayeen. MAXAA KA QABSOOMAY QORAALKII AWRBOOGEYS: Qoraalkii Awrboogeys waxaa ka qabsoomay intii Maxamuud Garaadka laga rabay, ugu badnaan 30% waa isdiiwaangeliyeen, Somalilandnimadiina waa soo aqbalayaan, laakiin dhanka Somaliland waxba kama fulin sababtoo ah, Maxamuud Garaad waa laf ka mid ah Dhulbahantaha, markaa waa in marka hore qayb iyo siyaasad guud oo Dhulbahante la helaa, markaas baa la garan karaa waxa Maxamuud Garaad Dhulbahante ka helayo. Fulin la’aanta qodobadii Awrboogeys maaha mid Somaliland ka masuul tahay ama WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND MAXAMUUD XAASHI lagu dhaliili karo, ee waxaa hor taagan feker yari xubnihii shirka maamulayey iyo Cuqaashii heshiiska saxiixay oo aan eegin wax ka sareeya qoys hoose. WADAHADALKA KHAATUMO Waa talaabo sax ah oo Somaliland qaaday inay Maamulka Khaatumo wadahadal la furto, waxayna ka mid tahay talaabooyinka ay Somaliland ku doonayso inay ku kasbato shacabka degaamada SSC, Isbedelkanina wuxuu la kowsaday caydhin Wasiirkii hore ee Madaxtooyada XIRSI CALI XAAJI XASAN oo loo tirinayo DAGAALKII KALSHAALE, Beesha Maxamuud Garaadna waa ku qaldan tahay in markii Dhulbahantenimadii ay markii hore ka tageen la raadiyo ay yiraahdaan miyaad na nacdeen, WAA INAY GARTAAN IN WADAHADALKA KHAATUMO AY KU XIDHAN YAHAY IN LA FULIYO HESHIISKII AWRBOOGEYS. Khaatumo waxay ka hadlaysaa danta guud ee degaamada SSC, kumana eka laf hoose, waxaana lagu go’aan qaadan doonaa qodobada ay wadahadalka la yimaadaan, oo noqon doono kuwo Oday Cali Khaliif ku muraadsanayo ama kuwo Dhulbahante oo dhan u cuntama. MAAHMAAH: Ninbaa ri lahaa, maantii dambe ayaa nin kale u yimid oo yiri war rida intaad qasho kaam la fadhiiso oo hilibkeeda ka faaiid. Sidii buu yeelay oo intuu geed wado ah tegay buu ridii qalay oo kariyey, nasiib daro cidba waa u imaan weyday, fiidkii markay ahayd buu hilbihii oo wadhan sidaas u eegay, markaa suu yiri; WAR YAA RIDA HARAGEEDII NAGA CELIYA, maanta waxaa taagan WAR YAA MAXAMUUD GARAADNIMADA HARAGEEDII NAGA CELIYA, mana aha wax loo baaha yahaya hadii aanay wanaag iyo midnimo degaamada SSC u soo kordhinay, kuwa iminka ku shaqaysanayaana xumaan waxaan ahayn ka faaiidi maayaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here