Wararkii Hotel SYL oo lasoo afjaray iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Weeraradii qorsheysnaa ee caawa Al-Shabaab ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan hotelka SYL oo qorshuhu ahaa iyo agagaarka beerta nabadda ayaa lasoo af jaaray, iyadoo khasaaraha ka dhashay weeraradaasi ay sii kordhayaan. Weerarka koowaad oo ka dhacay bar kontorool oo dhabarka Hotel SYL ah ayaa waxaa isku qarxiyay gaari markii ay ciidamada dowladda joojiyeen, halkaasoo ay ku dhinteen ciidamo iyo dad shacab ah, geystay burbur baaxadiisa weyn tahay, kadib waxaa xigay qaraxii labaad oo dhacay 30 daqiiqo kadib, kaasoo ka dhacay agagaarka beerta nabadda. Waxaa kadib xigay qaraxyadaasi weerar toos ah oo maliishiyo AL-Shabaab ka tirsan iyo ilaalada Hotel SYL dhex maray, kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u galaan. War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray weerarkaasi, isla markaana ay ciidamada toogteen ilaa afar ka tirsanaa maliishiyo hubeysan. NISA ayaa intaa ku dartay in ilaa afar gaari ay sameeyeen qaraxyo. Labo askari ayey sheegtay NISA in howlgalkaasi looga dilay. Dadka ku dhintay wadarta guud ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan 15 qof iyo dhaawaca 25 kale. Al-Shabaab oo BBC la xiriirtay inay weerarkaas fuliyeen oo ay gudaha u galeen hoteelka oo rag hubaysan oo ka socdana ilaa hadda ku jiraan. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here