Wararkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo iyo heshiis laga filayo in la saxiixo

0

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soo iftiimaya rajo nabadgelyo oo dadka Gobolka Mudug oo dhami wada sugayaan. Heshiis nabadgelyo oo 4 qodob ka kooban, ayna dabada ka riixayaan Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamku ayaa maanta la filayaa inay wada saxiixaaan, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Madaxwaynaha Puntland Cabdi Weli Gaas. Saxeexa heshiisku wuxuu ka dhici doonaa Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Aiport. Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Garoonka diyaardaha, iyadoo qofkasta gelaya ay baarayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda Puntland. Waxaana la sugayaa xubno ka tirsan Beesha caalamka oo ka imaanaya Magaalada Muqdisho oo ay shalay galab u caraabeen. Horey waxaa is hor fadhiisadka u diidanayaa Madaxweynaha Puntland, laakiin hada waxay u muuqataa in beesha Caalamku ay cadaadis xoogan ku saareen, isna uu aqbalay. Xaalada Magaaladu waa degantahay waxaana la wada sugayaa saxiixida heshiiska, taasoo hadii ay dhacdo fursad siin doonto dadkii guryahooda ka qaxay inay dib ugu soo noqdaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here