Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka ee lagu horgeenayo Golaha Wasiirada cusub

0

Waxaa maanta lagu wadaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha Shacanka ee magaalada Muqdisho , kulanka maanta ayaana Baarlamanaka lagu horgeeyn doonaa Golaha Wasiirada cusub si ay codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan. Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in Baarlamaanka uu horgeeyo golaha Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay , Raisul Wasaaraha ayaana ka codsan doona Baarlamaanka in ay codka kalsoonida siiyaan Xukuumada cusub. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa hada kusii qul qulaya xarunta golaha Shacabka oo la filayo in kulanka uu si rasmi ah uga furmo, waxaana kulanka maanta shir gudoomin doona Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey. Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku guuleestay in ay kala fur furaan inta badan Xildhibaanadii kasoo horjeeday golaha Wasiirada cusub, waxaana hada la filayaa in ay aad u yaraan doonaan Xildhibaanada Xukuumada kasoo horjeeda. Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Xukuumada Soomaaliya uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Kheyre ay maanta heli doonto codka kalsoonida, waxaana xukuumada cusub si weyn u taageersan ulana dhacsan shacabka Soomaaliyeed. Xafiiska Shabakada Goojacade.com Muqdisho Somalia Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here