Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Liibiya iyo ciidamada Jeneral Haftar oo qarka u saaran Tripoli

0

Magaalada Tripoli ee Caasimadda u ah dalka Liibiya ayaa qarka u saaran inay marti geliso dagaal sokeeyo oo u dhaxeeyo Dowladda ay ictiraafsan tahay Qaramada Midoobay iyo ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar kuwaas oo Magaalada kasoo weeraray illaa saddex jiho.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday si tartiib ah ayaa hadda waxaa lasoo sheegayaa inuu aad u xoogeystay iyadoo ciidamada daacada u ah Gen Khalifa Haftar ay qabsadeyn iloo dhawr xaafadood oo ka tirsan Magaalada.

Sida ay baahisay Al-Jazeera Ciidamada uu hoggaaminayo Generaalka ayaa gudaha u galay Magaalada Tripoli  illaa 25 kiilo mitir halka Ciidamada Dowladda ay isku diyaarinayaan dagaal culus inay kusoo qaadaan.

Ciidamada Dowladda ayaa Sabtidii DIyaarad ku duqeeyey Fariisimo ay Ciidamada Generalka ku lahaayeen meel aan sidaas uga sii fogeyn Tripoli.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda la helayo ayaa sheegayo in  mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu xoogan Tripoli oo loo yaqaano RADA ay dhinac u baxeen ayna taageerayaan haatan General  .

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyada u dhexeeyo milatariga Gen Khalifa Haftar iyo kooxaha taageera dowladda uu ka soconayo sadex goobood oo ku yaala koonfurta Libya.

Caasimada Tripoli ayaa xarun u ah dowlada Qaramada Midoobay ay taageerto caalamkuna aqoonsan yahay.

Khudbad uu telefishinka ka jeedayay madaxa xukuumada ay taageerto Qaramada Midoobay, raisal wasaare Fayez al-Sarraj, ayaa ku eedeeyay Gen Haftar inuu bilaabay inqilaab milatari.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku hanjabay inuu Generaalka kala kulmi doono awood culus iyo inaysan u suurtageli afgambiga uu dambacsan yahay.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda dalkaasi iyadoo Liibiya ay ka socdaan iska hor-imaadyo xooggaan.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awoodda badan milatriga Libiya uu kusoo dhamaaday guuldarro.

Balse janaraal Haftar ayaa lagu soo warramaya inuu u sheegay xoghayaha guud ee Qaramada Mdoobey Antonio Guteras in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaan magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo maleeshiyaadka.

Mr Guterres ayaa dhankiisa ku celceliyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay fududeynta helidda xal siyaasadeed oo looga gudbayo colaaddan iyo taageerada dadka reer Liibya.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan caasimada Tripoli ayaa heegan buuxa la galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here