Wararkii ugu dambeeyey ee Maamulsameyntii Khaatumo+Maakir, Cali iyo kooxda Nairobi

0

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya labadii kooxood ee ku mashquulsanaa Maamulsameynta Khaatumo iyo Maakir ayaa sheegaya in koox waliba dhankeeda u mashquulsantahay, doonaysona inay Maamul sameysato. Cali Khaliif Galaydh oo wata hal oday oo ka soo jeeda Maakhir ayaa la sheegayaa inuu ku dhuumaaleysanayo guri ku yaal Buuhoodle, sidii qorshihiisu u ahaana wuxuu wadaa inuu ku dhawaaqo Maamulgoboleed ka kooban Khaatumo iyo Maakir, haddii Ciidamada Somaliland dib uga laabtaan. Haddii uu Maamulkiisa ku dhawaaqo waxaa laga yaabaa inuu u kicitimo Magaalada Muqdisho oo uu doonayo inuu la aado waraaqo ay u saxiixeen qaar kamid ah Isimadda. Buuhoodle maaha Magaaladii ugu horeysay ee Cali Khaliif intuu fitno iyo colaad dhex dhigo ka tago, horey wuxuu usoo gubay degaano badan oo Balicad ugu dambeysay, iyadoo la filayo inay Buuhoodle noqoto magaaladii ugu dambeysay ee degaamada SSC. Dhanka Nairoobi waxaa ordaya koox doonaysa inay qaado talaabooyinkii ay ka barteen Cali Khaliif, waxayna Maamulgoboleed aan geedna haysan u sameynayaan Maakhir iyo Khaatumo, Kooxdan waxaa hogaamisa Caasha Cabdalle, waxayna wadataa dhowr xubnood oo siyaasada sumad laaweyaal ku ah, kana soo jeeda Sool iyo Sanaag. Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa kooxdan u cadeysay inaysan taageeri doonin wax kasta oo ay sameeyaan. Ujeedada kooxdani ayaa ah inay helaan farsamo ay qurbajoogta dhaqaale kaga urursadaan ama dano iyaga u gaar ah, waana koox u guntanaysa waqti lumis iyo madal hufin ma dhalays ah. Dhanka Qurbajoogta waxaa ka dilaacay kooxo kala duwan oo u tafoxaytay yaboohsi dhaqaale. Kooxi waxay dhaqaale ku urursanayaan magaca Khaatumo. Kuwana waxay u weel sameysanayaan Maamulsameynta Nairobi, halka qaarna gacan maris bilaabeen iyagoo isticmaalaya qoysas hoose iyo jilibyo, waxayna u egtahay xaaladu faraha ka baxday. Arintan ayaa laga bartay kooxda Cali Khaliif Galaydh, waxaana hubaal ah in dhowaan la arki doono kooxo yaryar oo qolo waliba sheeganayso maamulgoboleed metela Khaatumo iyo Maakhir ama degaamada SSC.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here