Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadalada DF iyo Puntland

0

Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid soo gaaray Garowe Jimcihii lasoo dhaafay (25-03-2016) waxaa socdey kulamo aan rasmi ah oo u dhaxeeya guddiga Puntland u qaabilsan dhanka wada hadalka iyo wasiiradda DF ee la socday Sharmarke. Wadahadaladan oo aan ilaa iyo hada wax rasmi ah kasoo bixin ayay wararku sheegayaan in lagu wado maanta in lasoo saro qoraal lagu cadaynayo socdaalka wasiirka koowaad iyo waxyaabaha laga wada hadlay. Puntland ayaa weli ku adkaysanaysa diidmada nidaamka 4.5, balse wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dadaal ugu jira sidii tanaasul u imaan lahaa Puntlandna loogu qancin lahaa inay doorashada ka qayb gasho, warar ayaa sheegaya in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uu ku wajahan yahay maanta ama berito, taasoo la macno ah inuusan jirin isfahan laga gaaray nidaamkaasi. Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhowr goobood ka sheegay wax kasta oo la akhriyo inaysan qaadan karin nidaamka 4.5, kaasoo uu ku tilmaamay mid xaaraan ah oo umadda Soomaaliyeed kala qaybinaya. Boqor Cabdilaahi Axmed oo ka mida ah Isimadda Puntland ayaa dhankiisa soo jeediyay in dowladda dhexe muddo kordhin loo sameeyo maadama aan la qaadan karin 4.5 laguna salayn karin hab deegaan doorashada Soo socota. Dhinaca kale xaafadaha magaalada Garowe qaarkood ayaa lagu qoray No.4.5 iyadoona ay macno ahaan tahay dooni mayno nidaamkaasi. large War aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Puntland ay diyaarinayso qoraal ay kaga hadlayso kulamada dhacay iyo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here