Wararkii ugu dambeeyey iyo Siyaasiyiinta SSC Hargeysa Garowe Balicad iyo Nairobi

0

Magaalada Hargaysa waxaa maalini ka hadhsan tahay doorashada Madaxwayne iyo Kuxigeenimo ee Xisbiga Kulmiye. Xildhibaan Cabdiqadir indho indho ayaa wali ku adkaysanaya inuu yahay Musharax ku xigeenka Sacad Muuse, siiqadan oo ah mid ku cusub habka tartanka. Dhanka kale Saleeban Xaglotoosiye oo isna Madaxweyne kuxigeen doonayaa ayaa laga dhaadhicin la yahay cod ma haysatid, degaankaagiina laga codeyn maayo. Xaglotoosiye wuxuuna ku doodayaa in shacabka Somaliland jecel yahay, Aqoonsiga Somalilandna doorashadiisa ku xidhan yahay, halka xubna Xisbiga ay u muuqato in Xisbigu dhacayo haddii kuxigeen aan cod lahayn la doorto. Lama saadaalin karo in Xaglotoosiye haddii la dooran waayo uu Somaliland joogayo iyo inuu ka tegayo sidii Maamuladii hore ee uu soo maray, inkastoo aanay jirin meel cusub oo uu tegi karo. Degaanka Balicad waxaa hogaanku ugu go’ay Odaygii Cali Khalif, wuxuuna naawilayaa bal inuu labo qodob midkood u suurtagalo. kan koowaad aa inuu Isimada isu keeno kalsoonidii dib u helo, si uu ugu muuqdo in hogaankiisa degaamada SSC ku midaysan yihiin, maadaama ay badankoodii ku dhawaaqeen inay Kalsoonidii kala laabteen, maamulkiisuna yahay koox. Qodobka labaad ayaa ah inuu Beesha Warsangali iyo USP 2016 helo inta sanadkan ka hadhay, waxaana u olalaynaya koox uu hogaaminayo Indhosheel, oo hada la sheegay inay caalwaa yihiin. Xaga Garoowe shacabka reer Puntland ayaa quus ka taagan Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar inuu soo celiyo kalsoonidii degaamada SSC iyo Puntland, waxaana lagu xamanayaa nin qoys hoose ku kooban oo ka faro madhan taageerada iyo xiriirka goboladda Sool iyo Sanaag. Magaalada Nairobi waxaa ku hardamaya laba kooxood oo ku tartarmaya samaynta USP 2016. Qolo waa kooxda indhasheel oo doonaysa inay Oday Cali khalif godka ka soosaaran oo sameeyan USP 2016 inta sanadkan ka harsan. Qolada kale waa qolo cusub oo aan waxba isla hayn oo doonaysa inay hada jabad cusub yabyabtaan. kooxdani waxay araaji u gorteen safaaradaha Nairobi, iyagoo si safaaraduhu u aaminaan ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen qaar ka mid ah Isimada SSC iyo Warsangeli. Kooxdani maaha koox qoto dheer oo meel fog gaaraysa, waxayna ku baabi’i doonaan haddii Isimadu Nairobi ugu tegi waayaan, safaaradaha la marmari waayaan, Waxayna u muuqataa in Isimadu ka soo gudbeen xiligii ay kaxaysan jireen, koox dangaara leh. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here