Wararkii ugu dambeeyey weerarkii Saldhiga Booliiska Laascaanood

0

Dabley ku hubaysnayd qoryaha daran dooriga u dhaca iyo garnaylada gacanta laga tuuro ayaa xalay weerar ku qaaday Saldhiga Dhexe ee Magaalada Laascaanood. Kooxdani waxay wateen Baabuur nooca raaxada ah ee Layla Calaawiga loo yaqaan, waxay weerarkooda ku bilaabeen tuuris Bam-gacmeed, dabadeedna waxay ku xejiyeen rasaas toos ah, iyadoo Ciidamada Somaliland kaga jawaabeen rasaas xad dhaaf ah oo aan loo miidaan deyin oo ay dhinac walba u rideen. Tacshiirada ayaa soconaysay mudo 15 ilaa 20 daqiiqo. Saraakiisha Amaanka ee Laascaanood ayaa saaka sheegay in weerarkii xalay aan wax khasaare ahi ka soo gaarin. Lama garanayo cida ay hayeen kooxda weerarka geysatay, balse tan iyo intii uu Cali Khaliif ku dhowaaqay inuu wadahadal la gelayo Somaliland waxaa soo xumaanayey amaanka Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana sameysmaya kocdoono cusub oo ka curanaya degaanadii ay ciidamada Somaliland joogeen. Dableydan oo aan haybtooda la garanayn ayaa garnaylada gacmaha laga tuuro ku weeraray Taliska, waxaana bilaambay is rasaasayn xoog leh oo dhexmartay labadii dhinac, iyadoo kooxdii weerarka fulisay ay mudo ka dib goobta ka baxsadeen. Ilaa hada wax war ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo is rasaasaynta ka dambaysay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here