Wararkii ugu danbeeyey ee Mooshinkii Madaxweynaha iyo Wadahadalada

0

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxwaynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u aqbalay in wadahadal lagalo, waxaana dhanka kale arinkaas oo ahaa mid markiisii hore ka yimid Gudoomiyaha Baarlamaanka dawladda federaalka ah ee Soomaaliya aqbalay Madaxwaynaha Dawladda Soomaaliya xasan Shiikh Maxamuud. Madaxwaynaha ayaa sheegay in uu aqbalayo wadahadalka xal walbana uu ogalyahay balse waxaa uu arinta wadahadlka Mooshinka u wakiishay inuu ku matalo Ra’iisulwasaraaha Soomaaliya Mudane Cumar cabdirashiid. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa arinkaas ka biyo diiday waxaana ay sheegeen in Madaxwaynu uusan rabin in xal la gaaro sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wakiilnimada Madaxweynaha ee Ra’iisul Wasaaraha ay u ekaaneyso in khilaaf uu u dhaxeeyo baarlamaanka iyo Xukuumadda, sidaas darteed ay ka doonayaan Madaxweynaha inuu soo dirsado xubno xafiiskiisa matala. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay maanta in xalka lasii wadi doono tan iyo inta lasoo afjarayo muranka & qalalaasaha siyaasadeed ee Mooshinku dhashay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here