Warbixin:Guddoonka Barlamanka Puntland oo caqabad kala kulmey mooshin

0

Halkaan ka Akhriso , in xubno Guddoonka Barlamanka Puntland ka tirsan qorsheynayaan iney keenaan moonshin ay kudoonayaan magacaabista qayb ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo 2019 ayaa waxaa soo kordhaya tirada Xildhibanada diidan inqilaabkaan siyasadeed. Wararka warsidaha GN helayo ayaa sheegayain Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas loolan siyaadeed kaga jiro qorshaha Guddoonka Barlamanka ku doonayaan iney ku keenaan mooshin siinaya awood ay ku soo magacaabaan qaar ka tirsan guddiga xalinta khilafaadka doorashada la filayo iney Puntland ka dhacdo bilowga sanadka 2019. Guddoonka Barlamanka Puntland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga joogtada ee aqalka wakiilada  ayaa 24 saac ee lasoodhaafey dadaal adag ugu jirey sidii ay ku heli lahaayeen 34 Mudane ay ku ansaxiyaan Barnaamijkaan siyasadeed. Qeybo ka Mid ah Xildhibaanada Horbaxaanyada uu ah Xaaladan Xildhibanada hormuudka u ah barnaamijkaanayaa wararku sheegayaan iney ku adkaatey iney gaaraan tiradaas iyadoo diidmo xoogan kaga timid inta badan mudanayaasha Aqalka Wakiilada kuwasoo fahmey qorshaha siyasadeed ee ku hoos jira mooshinkaan Mudanyaashaan ka tirsan Guddoonka Barlamanka ayaa sida warsidaha GN fahansan yahay waxaa ay xiriir qarsoon la leeyihiin musharaxiin qarsoon kuwasoo lacago ay kaga qaadeen in Guddiga xalinta khilafaadka loo soo magacaabi doono si ay ugu guuleystaan doorashada 2019.   Barlamanka Puntland oo weli ku guda jira Kalfadhigiisa ayaa iminka waxaa horyaala ansaxinta misaaniyada iyadoo ay jiraan wararsheegaya in Guddoonka raadinayaan in aqalkaan uusan Fasax galin tan iyo inta ay ka helayaan tirada Xildhibanada mooshinkoodu u baahan yahay iney ku ansaxiyaan. Puntland waxay madaxa la si geleysaa bilowga olalihii doorashada Madaxweynaha iyo soo xulitaanka Xildhibaanada cusub oo lagu wado inay dhacaan dhamaadka sanadka 2018. Xaaladda guud ee amni ayaa ah mid wanaagsan, laakiin waxaa jira dhibaatooyin aad u badan oo dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay dhibaatooyinka dhaqaale iyo duruufaha shacabka haysta, waxaana Puntland caan ku tahay in sanadka u danbeeya Madaxweyne kasta xaaladda dhaqaale ama amni noqoto mid aad u xumaata, waxaa meesha ka baxa bixinta mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida.   Goojacade News Garowe-Puntland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here