Warbixin:Madaxweyne Gaas Oo Ka Aamusan Go'aanadi Barlamanada Soomaaliya

0

Heshiiska Madaxweyne Gaas la Galay Shirkada P&O Ayaa waxaa Sidoo kale Ansixiyey Barlamaanka Puntland oo Madaxdiisa ugu sareysa sidoo kale weli Ka Aamusantahay Mowqiifkoda ku aadan Go’aanka Barlamaanka Soomaaliya. ”Lama Oga Sabaabta Gaas u aamusanyahay Balse Arrintu waxay ka Turjumeysa inta uu xilka hayey hoos dhac ku Yimid Maqamki Siyaasadeed ee Puntland”sidaas waxaa GN Uu Sheegay Siyaasi ku sugan Magaalada Garowe Oo ka Gaabsaday in aan Magiciisa xusno. Magaalada Bosaso ayaa sidoo Kale waxaa kulan ku Yeeshay Qeybo ka mid ah odayaasha Gobolka Bari kuwaaso Taageray Go’aanka Barlamaanka Soomaaliya . Shirkada P&O ayaa weli ka Hadlin in Go’aanka shirkada Dp-World lagu Mamnuucay uu saameyn ku Yeelanayo Hawlaha P&O Ka Waado Dekada Magaalada Bosaso. Madaxda Shirkada Dp-world oo la hadlay Saxaafada Go’aanka Barlamaanada Soomaaliya Ka Dib ayaa sheegay in Go’aankoda uusan wax saameyn ah ku Yeelandoonin Heshiiska ay la Galeen Maamulka Somaliland iyo Ethiopia Balse Masoo Hadalqaadin kan Bosaso. Madaxweynaha Somaliland ayaa Horey Ganaafka ugu Dhaftay Go’aanka Aqalka Hoose ee Soomaaliya ka Mamnuucay in Shirkada Dp-world ka shaqeyso Dalka isaga oo sheegay in Maamulkiisu ka Madaxbanaanyahay Jamhuuriyada Soomaaliya. Muuse Biixi oo Caasumad Rasmi ah ka helay Dalka imaarada Carabta diidmadiisa ka dib ayaa sida wararka lagu helayo Magaalo Madaxda dalkaas waxaa heshiis lagu Tababarayo ciidamada Booliska iyo Maleteriga somaliland la Galay dalkaas. Xiriirka Dowlada Federaalka soomaliya iyo imaaradka uu dhaxeeya ayaa Gaaray heerki ugu Hoseeyey ka dib marki uu saameyn ku yeeshay cilaaqadka xumaaday ee Wadamada Khaliijka ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here