WAREEGTOOYINKII TRUMP EE QAXOOTIGA LOOGA HORTEGAYEY OO HIRGALAY

0

Goojacade news: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixey labo wareegto oo uu ugu talo galey in uu ku adkeeyo amniga dalka Mareykanka. Mid ka mid ah ayaa diidaya in qoxooti reer Suuriya ahi uu yimaaddo dalkan, waqti aan xadidneyn. Wareegtooyinkan oo uu Trump sixiixey Jimcihii shalay ayaa cinwaan looga dhigay “Difaacida Qaranka ee Soogalitaan Argagixiso.” Waxay wareegtadu joojinaysaa dal-ku-galada iyo howlaha Maraykanka lagu keenayo qaxootiyada ka imanaya dalal gaar ah ah oo uu madaxweynuuhu walaac ka muujiyey. Labo hay’adood oo ka mid ah kuwa Qaramada Midoobey ayaa maanta sheegay in dajinta qoxootiga iyo soogalootiga ay tahay markii loogu baahi badnaa taariikhda, Mareykankuna waa mid ka mid ah wadamada ugu muhiimsan arimahaas. Hay’adda qoxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey iyo Hay’adaha caalamiga ah dajinta soogalootiga ayaa sheegay inay rajeynayaan in uu Mareykanku sii wadi doono kaalintii hogaaminimo ee dhaqanka soo jireenka ah u ahayd ee ku aaddan difaacadidda iyo dajinta dadka dilka iyo dhibaatooyinka ka soo cararaya.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here