Wareysi : Cali Xaaji Warsame ” Waa Ayaan Daro in Madaxdii Puntland Ay Muqdisho U Yimaadeen, Olale Musharax “

0

MUQDISHO- Cali Xaaji Warsame Oo Caawa U Warmayay Warbaahinta SBC ayaa Sheegay in Doorasho Wanaagsan Dhacday, laakiin Caqabado Badan ay Soo martay,

Wuxuu tilmaamay iney doorashadaasi ka Turjumayso, Dareenka iyo Rabitaankii Shacabka somaliyeed, oo Xiligan doonaya Hogaan Wanaagsan Oo Daacad ah,

Sababaihii Ku Kalifay inuu isagu u tartamo madaxtinimada Somaliya ayuu ku sheegay iney Ku Qasabtay kadib markii uu ku guuleysan waayay inuu ka shaqeeyo Puntland oo uu wasiirkii waxbarashada ka soo Ahaa, Wuxuuna tilmaamay inuu Caqabado kala kulmay Hogaanka Xiligan ee Puntland,

Wuxuu ku faanay iney Wax badan ka qabteen mudadii uu ahaa wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland, Gaar ahaana wuxuu soo hadal Qaaday Hirgalintii Dugsiyadi Farsamada Gacanta iyo Manhajkii Waxbarasho ee ay Sameeyeen,

intaasi kadib Wuxuu sheegay in uu is tusay inuu Hogaamiye Ka Noqon Karo Dowladda Somaliyeed, Asagoo xusay inuu taageero wanaagsan Ka Heley Shacabka Somaliyeed,

Mar uu Ka Hadlayay Faragalinta Doorashada ayuu Sheegay ineysan Qarsooneen Faragalinta lagu hayay Doorashada Wadanka, Si gaar ah wuxuu usoo Xigtay Doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedyada, iyo Dowladda Imaaraadka Oo Si Toos ah Faraha ugula Jirtay Doorashada Madaxweynaha Somaliyeed,

Joogi Taanka Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada, Ee Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland ayuu Sheegay iney Aheyd Ayaan darro Weyn oo u soo Hoyatay Madaxda Maamuladaasi, Si Gaar ah wuxuu sheegay iney Dano gaar ah Halkaasi u tageen Madaxda Puntland oo Meesha Olale Xoogleh Ka waday,

Wuxuu Cadeeyay in madaxweynaha Puntland oo Muqdisho joogay uu ku guuleysan Waayay inuu Xitaa Isku keeno Musharixiinta Ka soo Jeeda Deegaanadaasi, Si Ay Isku Tanaasul Isugu Sameeyaan Oo La isugu soo dhaweeyo,

Dareen laga xanuunsado ayuuna ku tilmaamay in madaxdii Puntland ay Olaleeyayaal ka noqdaan Muqdisho, Iyagoo doonaya iney soo ceshaan Hogaankii Hore ee Wakhtigu ka Dhamaaday, Xiligana ay dhibaatooyin kala duwan Oo Amni iyo Abaaro ka Jiraan Gudaha Puntland,

Ugu danbeyn ayuu Codsaday in Si Wanaagsan loola shaqeeyo Madaxweynaha Cusub ee Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Xiligan ay Horyaalaan Arimo Adag Oo U baahan in si deg deg Looga Saaro Shacabka Somaliyeed, Xiriir Wanaagsana la sameeyo dowlad Goboleedyada Wadanka Ka Jira.

Dhinaca Kalana Wuxuu Tacsi u diray Allaha U naxariistee Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi Oo Xalay Ku geeriyooday Dalka Dubia.

DHAGEYSO WAREYSIGA CALI XAAJI :

[audio mp3="http://goojacade.com/wp-content/uploads/2017/02/WAREYSI-CALI-XAAJI-WARSAME.mp3"][/audio]]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here