Warsaxaafadeed Gudiga Nabadeynta iyo Mideynta Taleex

0

Warsaxaafadeed Gudiga Nabadeynta iyo Midaynta Taleex waxqabadka Gudiga Nabadeynta iyo Midaynta Taleex: Gudiga nabadaynta iyo turxaan bixinta Taleex wuxuu mudadii ay dhisnaayeen soo qabtay arimo badan oo wax ku ool u ah Xagga nabadaynta iyo Midnimada beesha Dhexdeeda. WAXQABAD GUDIGA: Gudigu Wuxuu soo saaray Baaqyo nabadgelyo oo khuseeya Beelahii walaalaha ahaa ee Shaqaaqadu ku dhexmartay Taleex. Gudigu Wuxuu wacyi gelin balaadhan ka sameeyey Arimaha Nabadaynta ee Qurbajoogta Nuur Axmed. Gudigu Wuxuu dhiirigeliyey inay wada hadal yeeshaan qurbajoogta labada beelood, iyadoo ay si tartiib ah u bilaabantay. Gudigu Wuxuu xidhiidh la sameeyey waxgaradka Nuur Axmed ee Gudaha ku sugan, oo ah meesha hawsha ugu weyni ka dhici doonto marka aan turxaan bixino arimaha qurbajoogta, iyadoo gudigu tegi doonaan dalka gudihiisa. Gudiguu wuxuu aqoonsaday in qorbajoogta Nuur Axmed ay qayb weyn ku leeyihiin fidmada Taleex ka socta sidaas darteed wuxuu Qurbejoogta labada beeleed ee dhibaatadu ka dhex dhacday ka dalbaday gudiyo kala shaqeeya arimaha Nabadaynta. Beesha Samakaab Cali waa noo soo gudbisay gudigii laga rabay waana ku mahadsan yihiin sidii tolnimada leh ee ay nooga ajiibeen inay nabada iyo midnimadda nagala shaqeeyaan. Beesha Faarax Cali weli nooma soo gudbin gudigan waana ka sugaynaa ugu dambeyn axada soo socota ee 4 bisha Oktoobar, waxaanuna la hadalay raga beesha ugu waaweyn oo uu ka mid yahay Caaqil Ismaaciil Maxamed Cali Koore, ayaan daro waxaa iska jira dib u dhacyo, laakiin waan ka warsugaynaa, waxaana ka rajeynaynaa inay si dhaqso ah noogu soo gudbiyaan gudiga nagala shaqeyn doonta nabada. HIMILOOYINKA: Gudigu marka ay arimaha Qurbajoogta isla meel dhigaan oo turxaan bixiyaan, waxay iyagoo la midaysan yahay tegi doonaan dalka gudihiisa iyo degaanka si hawsha loo gudogalo, iyadoo si midaysan hareeraha looga joogo. Gudigu marnaba kama caajisayo, mana ka hadhayo ilaa inta ay ka gun gaadhayaan arimaha Nabadaynta ee beesha dhexdeeda. Gudigu wuxuu farta ku fiiqi doonaa cid kasta oo uu u arko in ay Arimaha Nabadaynta Xagal daacinayso ha noqoto Labadaba beelood ama cid ka baxsanba, iyagoo bulshada SSC u soo bandhigi doona beeshii nabada diida oo Nuur Axmed iyo Dhulbahante si midaysan oo diinta islaamka waafaqsan isku meel uga soo wada jeensan doonaan. Gudigu waxay Nuur Axmed kale ugu baaqayaan inay gudiga isku daba taagaan ka midho dhalinta mashaqada Taleex oo aanay cidnaba ka yeelin in mar dambe dushooda laysku dilo oo ay noqdaan daawadeyaal. Wabillaahi Towfiiq Gudiga Nabadeynta iyo Mideynta Taleex]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here