Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u yeertay Safiirada illaa 8 dal (Akhriso)

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Kusimaha Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu wargeliyay Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Jabuuti, Shiinaha, Sudan, Qatar, Kuwait, Abu Dhabi, Uganda iyo Zambia.   Lama sheegin sababaha loogu yeeray, hase ahaatee waxaa la isla dhex marayaa inuu jiro qorshe la doonayo in is bedel loogu sameeyo, maadaama Safiirada qaar ay yihiin kuwo muddo sanado ku sugan dalalkaas. Sanadkii 2014 ayay aheyd markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sidan oo kale Safiiro dhowr ah ay u yeertay inay dalka ku soo galaan muddo, iyadoo safiirada qaar xilligaas shaqada laga joojiyo. Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here