Wasiirka A G Puntland Axmed Karaash oo ku guuleystay inuu jaro ilihii dhaqaale ee Cali Khaliif

0

Sida ay qortay shebakada www.xaysimo.com, Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa xalay xaflad weyn loogu sameeyey Magaalada London ee dalka Ingiriiska, taas oo uu kala shirayey Jaaliyadaha Puntland. Axmed Karaash oo degaan ahaan ka soo jeeda degaamada Sool iyo Sanaag, ah masuulka ugu sareeya ee Puntland kaga jira degaamadaas, ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanayey Jaaliyadaha Labadaas Gobol oo ah xawl-mariidka dhaqaale ee kooxda Cali Khaliif ku dhaqdhaqaaqi jirtay ama lagu magacaabi karo DEEQ BIXIYEYAASHA dhaqdhaqaaqyada Goboladaas. Xafladan ayaa si aad ah loo soo camiray, iyadoo ka qaybgaleyaashu isaga yimaadeen dacalada UK. Ololaha Axmed Karaash ee uu ka waday Maraykanka iyo UK ayaa ah mid uu ku wiiqay taageeradii dhaqaale ee kooxda xuduud wareega ah ee Cali Khaliif sheegto ka heli jirtay Qurbajoogta Sool iyo Sanaag oo aan taageeradooda la’aanteed kooxdu sii jiri karin, iyadoo bilihii ugu dambeeyey laga dareemayey busaarad baahsan oo kooxda ku habsatay. Si kastaba hayska ahaatee Axmed Karaash ayaa u muuqda inuu ku guuleystay cunaqabateeynta ilihii dhaqaale ee Cali Khaliif ka heli jiray Qurbajoogta Sool iyo Sanaag, wuxuuna isugu diyaarinayaa inuu guul kula laabto Puntland.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here