Wasiir Baashe C Jaamac oo la shiray Beesha Aadan Cali (Nuur Axmed Galbeed) +Sawiro

0

Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali ayaa maanta magaaladda Laascaanood kula shiray Nuur Axmedka Galbeed (Beesha Aadan Cali). Kulanka Wasiirka iyo Beesha ayaa daba socday kadib markii Beesha Aadan Cali ay ku dhowaaqday inay ka baxday heshiiskii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, sidoo kale ay qaadaceen gogosha uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku dhowaaqay ee uu dhigay Magaalada Burco bisha Oktoober, iyagoo shuruud uga dhigay in raaligelin iyo magdhow laga bixiyo Dadkii ku dhintay ama wax ku noqday dagaalkii Kalshaale. Beeshu waxay sheegtay in Somaliland ay fadhataysatay heshiisyadii lala galay, xubnihii shirka waday qaar ka mid ahina ay sarifteen heshiisyadii, sidoo kale waxay sheegeen inay ku adkaysanayaan raaligelintii iyo magdhowgii khasaarihii Kalshaale intaan wadahadal kale furmin. Beeshu waxay si xoogan u eedeeyeen hab dhaqanka xubno ka tirsan Xukuumadda iyo dhowr Xildhibaan. Ugu dambeyntii Wasiir Baashe ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka shaafiyaan wixii ay qoonsadeen, Dawlada Somalilandna aanay ka bixin Heshiiskii Awrboogeys, laakiin wax waa khaldami karaan qof ha ka timaado ama koox, hase yeeshee waa wax la sixi karo. Wuxuuna u soo jeediyey inay ugu horey diiwaangelinta xooga saaraan, diiwangelinta dabadeedna ay isugu yimaadaan sidii loo sixi lahaa wixii ay gensadeen, isagoo sheegay inuu shacabka Maxamuud Barri ka raaligelinayo haddii wax qaldameen. Gebagebadiina waxaa la balamay marka diiwaangelintu dhamaato. baashe-iyo-aadan-cali3baashe-iyo-aadan-cali2baashe-iyo-aadan-cali1baashe-iyo-aadan-cali5baashe-iyo-aadan-cali7baashe-iyo-aadan-cali9baashe-iyo-aadan-cali8baashe-iyo-aadan-cali6baashe-iyo-aadan-cali4 ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here