WASIIR CABDILAAHI DHEERE OO KU LUMAY DOOXOOYINKII NUGAALEED

0

Wefti Isxambaar ah oo dadku u kala garan waayeen Xukuumada iyo Xisbi, islamarkaana lagu muransan yahay cida hogaaminaysa ayaa beryahan Gobolka Sool ku wareegayey. Dhanka Xukuumada Waxaa u sareeya Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), hadana wuxuu amarka ka qaadanayaa Wasiirka Madaxtooyada, Dhanka kale waxaa maraya Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo u muuqda nin la wado oo aan isagu iswadeyn, oo wax xukuumadu u diyaarisay afka loogu gurayo, Muuse dadka waxaa u sheegaya Maxamuud Xaashi oo leh “WIXII AAN DHAMAYN WEYNO MUUSE AYAA DHAMAYNAYA, ISAGOO U TILMAAMAYEY MADAXWEYNE DHAARINTII U DHIMANTAHAY”. Weftiga ayaa shalay tegay Barriga ee Degmada Taleex oo ay ku badan yihiin Banaanada iyo dooxooyin. Soo noqodkii ayaa Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cbadilaahi Dheere weftigii ka lumay wuxuuna u kacay dhanka Boosaaso, dabadeed waxaa helay dadkii baadiyaha deganaa oo u tilmaamay jihada Hargeysa iyo Boorame ka xigaan, waxaana la tusay wado Laascaanood aadaysay, Wax yar kadib ayuu hadana jihadii ka lumay oo wuxuu aaday dhanka Garoowe, fiidnimadii ayaa dadka degaanku Garoowe duleedkeedka ka soo celiyeen, waxaana caweysin dambe la geeyey Degmada Xuddun oo saaka laga soo kaxeeyey. Lumista Cabdilaahi Dheere ayaa sababtay in Weftigii kale ay xalay u hoydaan Degmada Caroolay. Cabdilaahi Dheere oo asal ahaan ka soo jiida Boorama, oo aad xariif ugu ahaa Wadada isku xidha Hargeysa iyo Boorame ilaa Burco, ayaa shalay ku haftay Banaanada waaweyn ee dhulka Nugaasha loo yaqaan oo Gobolka Sool ka tirsan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here