Waxa burburka hotel Naasa-hablood 1 laga soo saaray meydka wasiiru dawlihii xafiiska ra’iisul wasaaraha ee arimah bii’ada, Burci Maxamad Xamsa, oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka Federaalka. Waxaa sidaa BBC u xaqiijiyay xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah hab-dhawrayaasha baarlamanka Soomaaliya. Laamaha amniga ee Muqdisho waxay sheegayaan in weerarka hotel Naasa-hablood 1 ay ku dhinteen 15 qof. Masuuliyadda weerarka waxaa sheegtay ururka Al-shabaab. Ciidammada ammaanka ayaa saacado ka dib dib ula wareegay hoteelka oo ku yaalla bartamaha Muqdisho, ka dib markii ay shalay galab galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah. Al-shabaab waxa ay inta badan weerartaa hoteellada, maqaayadaha iyo goobaha dadka rayidka ah ay ku badan yihiin ee caasimadda Muqdisho.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.